Dalab in La Mamnuuco Dawlada Masiixiga Ruushka “Christian state”.

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Duuma ee Dalka Ruushka Xildhibaan Natalia Boklonskay ayaa Xeer ilaalinta Guud ka codsatay in la mamanuuco ururka Dawlada Masiixiga “Christian State” ee Russia.

Waxayna ka codsatay xeer ilaaliyaha guud inuu qaaddo tallaabooyin looga hortagayo ururka “Christian state” oo dhaqdhaaqiisa ka wada Ruushka sida ay ku baahisay Poclonskaya boggeeda internetka waxayna codsatay in la joojiyo Xadgudbka Sharciga.

Bilayska Ruushka ayaa hore u xidhay hogaamiyaha Dawlada Masiixiyiinta ee Ruushka Alexander Kalinin.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso