Dib u noqoshada Muslimiinta Rohingya Waxay u Eegtahay mid Mustaxiil ah!!!

 

Mas’uuliyiinta ammaanka Myanmar ayaa bilaabay olole nidaamsan oo abaabulan  iskuna xidhan si loogu khasbo Rohingyas inay ka baxaan tuulooyinkooda waqooyiga Rakhine ka hor intii aan weerarka lagu qaadin bilayska 25-kii August, kaas oo ay mas’uuliyiintu u adeegsadeen marmarsiiyo si ay ugu caddeeyaan rabshadaha ka dhanka ah iyaga, sida lagu sheegay warbixin cusub oo Qaramada Midoobay ah.

Warbixinta waxay ku saleysneyd baadhitaan ay sameysay hay’adda Qaramada Midoobay baadhayaasha caalamiga ahina waxay dhegeysteen  tobanaan markhaatiyaal Rohingya ah,Bangladesh waxa u qaxay  ku dhawaad 500,000 oo qof iyaga oo ku qaxay muddo dhan shan Usbuuc.

 

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanku ay taageerayaan muwaadiniin Buudhis ah oo hubaysan ayna go’aansadeen in ay cabsi  iyo argagax ku abuuraan Muslimiinta Rohingya ayna si ula kac ah u gubeen guryahooda, beerahooda si ay uga dhigaan mid  mustaxiil ah  in qaxootiga ku soo noqdaan dhulkooda

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso