Cadarkii Sunaysanaa oo laga Baqayo inuu u Gudbo Dalka Urdun + Digniino laga soo Saaray!!!

Mas’uuliyiinta Cashuuraha  Jordan ayaa ka digay cadarka sunta ah ee “Relax” iyo suurtagalnimada in la geliyo suuqyada Jordan.

Agaasimaha Xafiiska Heerarka iyo Qiyaasaha ee Xuduuda Al-Cumari, Mahmoud Al-Ajlouni ayaa soo saaray warqad gudaha ah oo cinwaankeedu yahay “Xoojinta kantaroolka Cadarka” isaga oo uga digay shaqaalaha xudduudaha u dhaxeeya Jordan iyo Sacuudi Carabiya in si adag loola socodo baadhitaana la mariyo dhamaan cadarada Waddanka soo galaya . isaga oo ku soo lifaaqay nuqulka Sawirka Cadarka.

Markii ugu horeysay ee cadarkan waxa lagu arkay Aljeeriya ka hor inta aanay ka digin wadamo badan oo kala duwan, sida Masar, Ciraaq, Kuwait, Bahrain, Lubnaan iyo Suudaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Algeria ayaa ka digtay warbixin ay soo saartay bishii Agoosto ee Sanadkan Cadarka “Relax” taas oo muujinaysa in ay horseedi karto geerida lama filaan ah ka dib marka la isticmaalo.

Baadhis lagu sameeyay Cadarkan waxay xaqiijisay inuu sun yahay iyo in calaamado aysan soo muuqanayn isla markiiba isticmaalkiisa se ay saameyn uu yeelanayo 3 illaa 4 maalmood ka dib marka lagu buufiyo jidhka bini’aadanka taas oo dhimasho u keenaysa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso