Ugu yaraan 10 qof ayaa Ku Dhintay dab ka kacay California Kumanaan Dad ahina way Barakaceen

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay Dab ka kacay dabeylo badan oo ka dhacay degaanno dhowr ah waqooyiga California ah, boqolaal guryo iyo dhismayaal ganacsi ayaa  burburiyay iyada oo 20,000 oo qofna ay ku qasbtay in ay cararaan.

Guddoomiyaha gobolka Jerry Brown ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo ka jiraan deeganada Napa, Sonoma iyo Yuba iyada oo dabku uu ku faafay aagagga badan qiiqa badan ayaa daboolay deegaanada isaga oo  gaadhay San Francisco iyo Auckland. Xaaladda deg-degga ah ayaa kadib la ballaadhiyay si loogu daro afar degmo oo kale oo ku yaal waqooyiga gobolka iyo hal koonfurta.

Kumanaan qof oo dab-demisyaal ah ayaa la dagaalamaya dabka oo dabayshu wado dabaysha oo ku socota ilaa 80 kiiloomitir saacaddii, dabka ayaa gubay 73,000 hektar waqooyiga California illaa habeenkii Axaddii afhayeenka qaybta dab-damiska ee California Daniel Brillant ayaa sidaa sheegay.

Dabkan ayaa ka dhashay dabayl xoog badan oo dhacaysa, maamulka California ayaa ugu baaqay dadka degan in ay ka baxaan oo ay tagaan  goobo loogu talagalay oo maxalli ah.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso