Bilayska Miami Beach ayaa toogasho ku dilay qof dumar ah kadib markii baabuurkeed ku dhacey gaadhi kale kadibna askari bilays ah dhaawacday iyada oo isku dayaysa inay baxsato.
Taliyaha bilayska magaalada Daniel Otis ayaa sheegay in haweeney wadatay gaadhi BMW ah, si deg deg ah u socotay Ishaarada Baabuurta iyada oo cas jiidhay ka dibna baabuur kale ku dhufatay oo yaalay badhtamaha goob dalxiis Miami Beach.
Waxa uu intaa ku daray inay isku dayday in ay baxsato ka dibna askari bilays ah ayay jiidhay booliskuna waxay ku fureen Rasaas, daawayn loogu sameeyey Goobta ka dib waxay u geeriyootay dhaawacii soo gaadhay.
Otis waxa uu sheegay in xaaladda askarigii booliiska ahaa ee haweenaydu jiidhay hadda xaaladiisu fiican tahay isla markaana ku jiro Cisbitaalka.
Warqabadka ToggaHerer