Maxaa Qabsaday Nin Jacayl Dartii u Xidhay Indha Shareer Si uu Ula Kulmo Jacaylkiisi!!?

Nin dhallinyaro Masri ah oo Xidhan Indha Shareer ayaa Tegey gurigii inantu u hayay Jecyalka  si uu ula kulmo , Waxa ogaaday Ehelkeedii ka dibna intay garaaceen ayay u dhiibeen Laamaha amniga.

Sarkaal ka tirsan Amniga Waqooyi Bari Masar ayaa sheegay in tiro badan oo ka mida ehelka Tuulada Sawaada Abu Shalabi ay qabteen Xidheena  nin dhallinyaro ah oo  xidhay indha-Shareerka Haweenka iskuna dayay  in uu dhuunto guriga Inantu Jecel yahay guriga oo ay maqan yihiin Caa`iladu.

Ehelka  waxay muujiyeen in ninkii dhallinyarada ah ay ka shakiyeen  socodkiisa iyo kabaha raga oo uu xidhnaa markii ay arkeen  ay joojiyeen  Kana Saareen Indha Shareerkii  ka dibna ay garaaceen una garaaceen si adag ayna wareejiyeen jidadka tuulada si ay u soo bandhigaan una fadeexadeeyaan.

Wiil ka ayaa lagu sheegay Magiciisa Axmed, 22 sano jir ah wuxuu jecelaa  gabadh tuulada degan se  aabbaheed ayaa u diiday in uu guursado in ka badan hal mar, Markii uu ka soo laabtay safar ka baxsan Masar oo uu ku maqnaa wuxuu doonayay inuu booqdo isaga oo xidhay Niqaab Ama Indhashareer  si uu u arko inta waalidkeed maqan yihiin , Laakiin deriska ayaa ogaaday arrinkiisa.

Ninka dhallinyarada ah ayaa la xidhay Waxaana hadda Baadhaya Dembi Baadhista oo kiiskiisa gacanta ku haysa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso