War Deg Deg ah : Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi raajicuun Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib ( Diirqadhaadh) ayaa Ku Geeriyooday Cusbitaal ku Yaala Addis Ababa Ethiopia.

Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi raajicuun Kuli Nafsu Daa`iqatul Mawt Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib ( Diirqadhaadh) ayaa Ku Geeriyooday Cusbitaal ku Yaala Addis Ababa Ethiopia.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo 1997 Kii.

Marxuum Maxamuud Diirqadhaadh ayaa ka mid ahaa Odayaasha waaweyn ee ku Suntan Nabadaynta Somaliland Tan iyo Gooni Isutaagii Somaliland ee 1991.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Waaweyn ee Somaliland Nus Qarnigii u Dambeeyey Isaga oo ahaa Ganacstadii Somalida ee Xoolaha ugu horeysay u dhoofisaa Wadamada Carabta gaar ahaan Sucuudiga iyo Yemen Sidoo kalena wuxuu ahaa Mukiilihii Doniyihii u horeeyey ee Soomalida ay yeelato lana odhan jiray Sallaxley.

Dhamaan Bahda ToggaHerer Waxay Tacsi u diraysaa Qoyskii,caruurtii,ehelkii iyo ummadda Somaliland Geerida Marxuum Maxamuud Diiraqaadha Marxuumkana Waxaanu Alle uga baryaynaa Inuu Naxariistiisa Jano ugu deeqo Amiin .

 

Warqabadka Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso