Xuutiga: Diyaaradahaygu waxay Duqeyn doonaan Sacuudi Carabiya Gantaaladayduna waxay gaadhi doonaan Abu Dhabi

Kooxda Xuutiga ayaa sheegtay Khamiistii in diyaardo ay leeyihiin Duuleen Hawada Sucuudiga, islamarkaana ay dhawaan ku duqayn doonaan, waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inay tijaabiyeen gantaal dhinaca Imaaraadka Carabta ah, isla markaana u xaqiijiyay in Abu Dhabi tahay yoolka Hubkood.

Hoggaamiyaha kooxda Abdul-Malik al-Houthi, ayaa isna sheegay in diyaaradahoodu ay dul duuleen Hawada Sucuudiga isla markaana ay ballan-qaadeen in ay duqyn doonaan Sacuudi Carabta mustaqbalka dhow.

Houthi ayaa carabka ku adkeeyay in kooxdiisu ay ka jawaabi doonto weerarka ku socda magaalada Hodeidah ee Yaman, bartilmaameedsan doonaana maraakiibta saliidda Sacuudiga.

Hogaamiyaha mucaaradka ayaa dib u cusbooneysiiyay hanjabaadiisa Sacuudi Carabiya Waxaanu sharaxaad ka bixiyay in saliida Sacuudigu ay maanta ku jirto Yoolka Duqeynta Hubkooda waxanu intaa ku daray, “Haddii ay doonayaan nabadgelyada maraakiibatoda saliida, waa in aysan soo gudbin weerarka Hodeidah.”

Hodeidah waa magaalada Yaman oo ku taal Badda Cas ee leh dekedda istaraatiijiga ah, waxaana hadda haysta Falaagada Xuutiga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso