Tuunis oo Laashay Xeerkii Mamnuucayay in Dumarka Muslimka Ahi aanay Guursan Karin Ragga aan Muslimka ahayn

Tuunis oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee Carabeed ee Baneeya In Dumarku Guursan Karaan Raga aan Muslimka Ahayn

Wararka ka imanaya Dalka Tunisia ayaa sheegaya in ay Tuunis qaaday mamnuucida ahayd in dumarka Muslimka ahi aanay guursan karin Raga Gaalada ah bil kadib markii Madaxweyne Béji Kaid al-Sibsi uu ku baaqay in dib loo eego sharciga si dumarka loo siiyo xuquuqo dheeraad ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ayay ka soo xigtay Reuters isagoo sheegay in wasaaradda caddaaladda ay joojisay mamnuucidii haweenka Tuniisiya in aany guursan karin Raga aan Muslimiinta ahayn, taas oo macnaheedu yahay in haweenka Tunisia ay si buuxda xor ugu yihiin inay doortaan Ragooda.

“Dhammaan qodobbada ku saabsan mamnuuca guurka u dhaxeeya Haweenka Tunisia iyo shisheeyaha waa la buriyay,” ayay ku tidhu bogga Facebook ay ku leedahay Saida Karash afhayeenka rasmiga ah ee madaxtooyada.

Iyada oo Hadal Qoraalkeeda Sii Wadata Waxay Tidhi “Hambalyo ayaan u dirayaa dumarka Tunisia xuquuqda xoriyada xorta ah ee ay ku dooranyaan Lamaanahooda. ”

Waxaa jiray doodo baahsan oo ku saabsan Tunisia ka dib dhawaaqi Sibsi ee khudbadii Maalintii Haweenka Tuniisiya 13kii Agoosto kuna sheegay in ay Raga iyo Dumarku u siman yihiin dhaxalka iyo in Haweenka Muslimka ah ee Reer Tuunisya loo ogol yahay Guurka Raga an Muslim ka ahayn.

Fasxaada In Dumarka Muslimka ahi Guursan Karaan Ragga aan Muslimka ahayn Ayaa Qaybisay Bulshada Reer Tuunisiya waxayna abuurta doodo ku saabsan doorka diinta ee bulshada.

Guriga Ifta ee Tuniisiya ayaa taageeray soo jeedinta Al-Sibsi, halka Culimo iyo hay’adaha kale oo diineed oo ay ka mid tahay al-Azhar ka soo horjeedseen .

Abbas al-Shoman, oo ah ku-xigeenka Al-Azhar ayaa sheegay in Baaqan iyo Soo Jeedintani ka soo horjeedo qawaaniinta Islaamka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso