Booliska Faransiiska Oo Qabtay Nin Isku Dayay in uu Tooriyeeyo Askari

Ciidamada ammaanka Faransiiska ayaa qabtay nin isku dayay inuu Tooriyeeyo askari Faransiis ah badhtamaha Paris sida ay wariyeen Warbaahintu Maanta oo Jumce ah..

Booliska ayaa qabtay Ninka Weerarka ahaa kaas oo ku dhawaaqyay eryo u Ku taageerayo ururka “Daacish” dhacdada ayaa ka dhacday saldhigga metro “Chatelet” Ninka ayaa  uu isku dayay In uu Askariga Dhabarka Ka Tooriyeeyo.

Wax Dhaawac ah muu geysan Weerarkani ilaa haddana lama sheegin Aqoonsiga Ruuxan.

Booliska Faransiis ayaa xidhay nin  toddobaadkii la soo dhaafay ka dib markii lagu weeraray guri u dhow Paris, waxaanu uu sheegay in xidhiidh toos ah la lahaa Kooxda Daacish waxayna ka heleen booliska guriga waxyaabo loo isticmaali karo samaynta walxaha qarxa.

Sidoo kale wuxuu Boolisku ka helay lixdii September  Vilgoev oo ah koonfurta  Paris Maadada ” TATP” oo inta badan isticmaalaan Isqarxiyayaashu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso