London: Qarax ka dhacay tareen Iyo Dhaawacyo la Soo Warinayo


Qarax ayaa ka dhacay Tareenka Dhulka Hoostiisa Mara galbeedka London subaxnimadii Jimcaha, waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah, sida warbaahintu sheegayso.

Wariyeyaasha ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay 8.21 daqiiqo ee Wakhtiga Ingiriis waxaanu ka dhacay meel u dhow saldhigga “Parsons Green” Iluhuna waxay sheegayaan in uu aaa Bac Balaastik ah.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa soo warisay in dadka dhaawacu ka soo gaadhay qaraxa uu yahay gubashooyin yaryar, halka boqolaal rakaab ahi ay ka yaaceen saldhiga mitrooga ka dib dhacdada.

Bilayska Ingiriiska ayaa xaqiijiyay inay ogaadeen dhacdada waxayna ku dhawaaqeen furitaanka baadhitaan, halka baabuurta booliska iyo ambalaaska lagu arkay agagaarka.

Hay’adda Gaadiidka London ayaa ku dhawaaqday in adeegga u dhexeeya Earls Court iyo saldhigyada Wimbledon ay joojiyeen.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso