Gudaha Ka Eeg : Ilmihii Britishka ahaa ee aan weligiis korin!

Wiil 13 jir ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa ku dhacay cudur dhif iyo naadir ah oo saameeya hal qof 7 bilyan ee qof-ba isaga oo u muuqda inuu ilmo yar yahay isla markaana had iyo jeer u dhaqmo sida.

Dhakhaatiirtu waxay ogaadeen in Angus uu joojiyay koritaanka markay da’diisu ahayd saddex jir markii ay sameeyeen baadhitaano caadi ah oo ku saabsan dhalaanka hadda wuxuu qaataa 250 dawo toddobaadkii.

Angus wuxuu sii ahaan doonaa Caruur inta ka hadhay noloshiis Nasiib darro dhakhaatiirtu ma hayaan wax dad ah oo qaba xaaladan oo kale mana u diiwangashana. Waxaa jira carruur yar oo qaba xaalado isku mid ah, laakiin ma aha kuwo isku mid ah sababtoo ah Angus waa cunugga kaliya ee cudurka qaba.

Hooyadiis Tandy waxay ku qiyaastay tirada qalliinnada wiilkeeda lagu sameeyey in ka badan 40 qalliin waxa ku jira irbado lagu duray oo ay ku jirto Maadada Botox si joogto ah .

Inkasta oo ay dadku ay hadal badan yihiin su`aalo badana waydiiyaan Haddana hooyada Angus waxay go’aansatay inay ku noolaato nolol caadi ah intii suurtagal ah.

Angus ayaa si joogta ah uga qaybqaata dhaqdhaqaaqayada Naadiga kubadda Kiriktka si uu dhiirigeliyo walaalkiis 15-sano jirka ah Otis.

“Angus wuxuu xidhaa dharka carruurta 10 sano ka yar,” ayay tidhi hooyada 48-jirka ah. Waxay u egtahay sidii wax loogu qabto ilmo yar ka hor inta uusan socod baran. ” Ma lahan xirfado dhaqdhaqaaqa, Waa mid aan cod lahayn, sidaas darteed waxa uu soo bandhigaa muuqaalkiisa gaarka ah ee luuqada calaamadaha ah tusaale ahaan haddii uu faraxsan yahay wuxuu kor u qaadaa suulka iyo Murdisada waanu lulaa.

Inkasta oo ay u muuqan karto dhiirigelin hooyadiis waxay leedahay Angus waxa uu ku dhashay dhowr meelood oo yaryar oo ku yaal wadnaha oo xanuun ah iyo cudur ku dhaca lafdhabarta, taas oo macnaheedu yahay in qaar ka mid ah lafdhabartiisu in aanay dhamaystirnayn waxaana soo waajahay dhibaatooyin badan oo caafimaad ah bilowgii.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso