Kuuriyada Waqooyi Oo Gantaalkii Labaad Ku Gantay Japan Muddo Todobaadyo ah

Waqooyiga Kuuriya ayaa ku riday Gantaal nooca ballistic  ah Japan ah markii labaad  toddobaado.
Gantaalku wuxuu kor u kacay dherer qiyaastii 770 kiiloomitir waxaanu gooyay masaafo dhan 3,700 kiiloomitir ka hor intaanu ku dhicin biyaha jasiiradda Hokkaido, sida laga soo xigtay ciidamada Koonfur Kuuriya.

Ra’iisul-wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in waddankiisu “marnaba u dulqaadan doonin” falalka North Korea.
“Haddii Waqooyiga Kuuriya ay sii waddo raacitaanka waddadan, ma laha mustaqbal iftiin ah,” ayuu Abe ku yidhi hadal uu soo saaray.

Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa cambaareeyay ridida gantaalakan, taas oo ka soo horjeeda qaraarkii Qaramada Midoobay.
Tillerson ayaa ku eedeeyay inay qaadayaan masuuliyada arrinta Shiinaha iyo Ruushka oo ah labada saaxiib ugu muhiimsan ee Waqooyiga Kuuriya dhinaca dhaqaalaha.
“Shiinaha ayaa North Korea siisa badi saliideeda,  Ruushkuna waa shaqaaliha ugu xoogga badan ee North Korea,” Tillerson ayaa sidaas yidhi.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Gantaalkani yahay kii ugu horeyay ee North Korea ay rideen tan iyo intii lagu sii adkeeyay cunaqabtaynta, Gantaalkan ayaa laga so riday  deegaanka Sinwan o uu ku yaalo Garoonka Caalamiga ah ee Pyongyang, ka hor 7-da subaxnimo ee Maxaliga (10-ka subaxnimo GMT)Maalinti Khamiisti.
Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxay sheegeen in uu AHa Gantaal Kuwa Ridada Dhexe ah .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso