Sawirro :Rasaas Ka Dhacday Dugsi ku Yaal Maraykanka Hal Dhimasho ah iyo tiro dhaawacyo ah..

Arday ayaa la dilay ugu yaraan saddex kale ayaa la dhaawacay Khamiistii saaka Rasaas ka dhacday iskuul ku yaalla waqooyiga galbeed ee Mareykanka sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Dilka ayaa ka dhacay Dugsiga Sare ee Freeman ee ku yaala Gobolka Spokane, Washington.

Afhayeenka dab-demiska Brian Schaefer ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in arday uu geeriyooday Rasaasta halka seddex qof oo kale oo loo qaaday isbitaal ku dhow Deeganka xaaladuna hadda way degan tahay.

Warbaahinta qaar ayaa warisay in rasaastu ay ku dhacday lix qof oo ay ku jiraan hal dhimashi ahi.

“Waan ognahay in dadku aad u walaacsan yihiin waxaan siin doonaa macluumaad sida ugu dhakhsaha badan fadlan ka fogow meeshan”ayuu yidhi Sherif ka Boolisku ku yidhi Bartiisa Twitter-ka.

Digniin ahaan iskuuladii Deegaanka ku xeeranaa ayaa dhamaantood la xidhay.

Sida laga soo xigtay saldhigga bilayska ee Spokane ayaa sheegay in ay qabteen Ninka Rasaasta riday. Bilaysku ma bixin wax macluumaad ah oo ku saabsan hubka loo isticmaalay ama haddii rasaastu ay ahayd arday ku jirta dugsiga hoose ee Freeman oo ay dhigtaan 327 arday, laakiin laba arday ayaa sheegay ay garanaayn dilaaga.

“Waxa uu waraaq u dhiibay saaxiibkiis iagoo ku sheegay in uu sameyn doono ficil ah keeni kara dhimashadiisa ama xabsi,” mid ka mid ah ayaa yidhi. Tani waxay ahayd todobaad ka hor.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso