Daawo : Haweeney 30 litir oo caano ay kaydsatay ugu Deeqday Dumarka ay Saamaysay Duufaantu

Daniel Palmer oo u dhalatay Gobolka Missouri ee Maraykanka kaydisayna Caanaha Naaskeeda ka dib markii ayay dhashay Wiil, ayaa go’aansatay inay caanaheeda ugu deeqdo hooyooyinka u baahan ee Ay Saamaysay Duufaanta Harvey.

Daniel may nuujin karayn wiilkeeda sababtoo ah isaga oo ku dhashay Xanuun xaga wadanaha ah, sidaa awgeed waxay doontay inay dumarka kale ka faa’iideystaan caanaheeda.

Daadadka ayaa sababay koronto la`aan, taasoo horseedi karta inay xumaadaan caanaha ay hooyooyinku ku kaydiyeen qaboojiyaha, xiisada iyo barakaca waxay saameeyeen waxsoosaarka caanaha ee hooyooyinka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso