Gudaha Ka Akhri : Israel Oo ku dhawaaqday Inay Taageersan Tahay Dhisida Dawlad Kurdi ah

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in waddankiisu taageersan yahay Taagista dawlad Kurdi ah, iyadoo Kurdiyiintu ay diyaar u yihiin aftida madaxbanaanida ee uu diidan yahay baarlamanka Ciraaq.

“Israel waxay taageeraysaa dadaallada sharciga ah ee Shacbka Kurdiga si ay u dhistaan dawladooda,” Netanyahu ayaa ku yidhi hadal uu ka soo saaray xafiiska Arbacadii.

Kurdidu waxay raadinayeen dawlad madaxbannaan muddo dheer ilaa dhammaadkii dagaalkii koowaad ee adduunka, ka dib markii gumeysiga Qaybiyeen Dadka Kuridada kadib dhicitaankii Boqortooyada Cusmaaniyiinta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso