Gudaha Ka Eeg : Nin Labisanayay Dharka Haweenka Muddo 20 Sanadood Talow Maxaa ku Kalifay ?

Nin Chinese ah ayaa Ayaa Daa`imay Xidhashada Dharka  haweenka muddo ka badan 20 sano si uu u caawiyo hooyadiisii waayeelka ah  oo la il daran xanuunnada maskaxda ka dib dhimashadii Walaashiis.

 

Calaamadaha cudurka maskaxda Hooyaday waxaan ka dareemay  isla markii geeridii gabadheeda, taasaa keentay in aan qaato  go’aan ii gaar ah wuxuu bilaabay inuu xidho dharkii walaashiis waxaanu isku dayey inuu hooyadii ka farxiyo.

“Markii ugu horreysay ee aan xidho dharka dumarka hooyadey aad ayay u faraxday sidaas ayaan u sii waday” ayuu yidhi. “Tan iyo markaas waxaan ku noolaa sidii dumar ah, mana haysto dharka Raga hadda,” ayuu Raaciyey

Mar la waydiiyay waxay  dadku ku yidhaahdaan  marka lagu arko dharka dumarka  Wuxuu Yidhi aniga Hamigayga oo dhami waa Daryeelka ,Sacaadada iyo Farxada hooyaday taasaana igala weyn wax kasta .

Inkasta oo hooyadeed ay dhibaatooyin nafsaani ah  haysato, haddana waa miyir qabtaa oo si buuxda uga mahadcelineysa waxa wiilkeedu uu qabanayay labaatankii sano ee la soo dhaafay.  Waxaad maqalaysaa iyada oo leh, “Waa Inantaydii, markay Inantaydii kale dhimatay, wuxuu noqday Inantaydii.”

 

Warqabadka ToggaHerer

Daawo Cajalka Koowaad

Daawo Cajalka labaad

Advertisement

Ku Xayeysiiso