Baaq Taageero Buuxda Beesha Gabooye Taageerstahay Barnaamijkiisa Siyaasadeedka Cusub Ee Xisbiga Kulmiye 2017-2022

Anagoo Ah Waxgaradka, aqoonyahanka, Culumada, Siyaasiinta , Dhalinyarada Iyo Gudida Horumarinta Beelaha Gabooye ee Somaliland, waxaanu halkan ka cadaynayaa anagoo codkayaga la garab taagnahay xisbiga kulmiye ugu horeeyo musharax madaxweynimo iyo kuxigeenkiisa Mudane Muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaa cabdilaahi saylic, iyadoo la ognyahay in beelwalba caddeysay mowqifkeeda, waxaanu taagero HiiL iyo Hooba la garab taaganahay mawqifka cad ee  ay gaadheeen salaadiinta , siyaasiinta ,dhalinyarada iyo waxgaradka beesha gabooye  ee lama taabtaanka ah ee ku muujinyen taageerida xisbul xaakimka kulmiye ,

Hadaba, waxaanu taagero Hiil  iyo Hooba la garab taaganahay musharax madaxweynimo iyo kuxigeenkiisa Mudane Muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaa cabdilaahi saylic,  Waxaan Idin Leeyahay Aynu Marlabaad Ku Doorano Xisbiga Midnimada Cadaalada Iyo Horumarka Waxqabdkiisa Dalka, sidoo kale iyadoo aanu soo dhaweeynayno Barnaamijkiisa Siyaasadeedka Cusub Ee Xisbiga Kulmiye 2017-2022, oo aan isleenahay waxqbadka wanagsan baa noogu jira barnaamij siyaadeedka iyadoo uu caddeeyay waxyahaba ka maqan beelaha laga tirade badan yahay iyo kaalinta ay ka jiraan ka qayb galka siyaasada iyo golayaasha qaranka , waxaan leenahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye wax badan bay qabtay beelaha laga tirade badan yahay xisbulk xaakimka kulmiye mudadii madawexweyne Siilaanyo talada dalka hayay, inta kale ee naga dhiman waxaanu ka rajaynaynaa inay dhammaystiraan labada musharax  Muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaa cabdilaahi saylic

Sidaas darteed, waxaanu leenahay shakhsiyaadka faro ku tirska taageersan xisbiga wadani waxaanu leenahay midho guntigu ku jira ,looma daadiyo mindho geed saraan,  ee yaanu tareenku idinka tagin ee u hore u soo gaadha Xisbiga Midnimada Cadaalada Iyo Horumarka Xisbiga kulmiye

Waxa baaqan diraya Waxgaradka, aqoonyahanka, Culumada, Siyaasiinta , Dhalinyarada Iyo Gudida Horumarinta Beelaha Gabooye, oo kala ah

  1. Maxamed Cabdi Jamac  Gudoomiyaha Gudida horumarinta Beelaha Gabooye
  2. Ibraaahin Maxamed Ducaale  – Gudoomiye Kuxgeenka Gudida Horumarinta beelaha gabooye
  3. Aqoonyahan Xasan Maxamed Cabdi
  4. Cabdiraxmaan Xasan Xuseen
  5. Mustafe Caydiid Muuse
  6. Mxamed Sheikh Axmed
  7. Iid Muuse Maxamed
  8. Diiriye Abdi Cabdilaahi
  9. Yaasiin Cabdi Maxamed
  10. Cabdisalaam Maxamed Muuse
  11. Cali Muuse Mxamed
  12. Farxaan Mahdi Axmed
  13. Khaddar Suleeban Cige
  14. Sheekh Khaddar Axmed Maxamed
  15. Ganacsade Yusuf Khaddar Abdi
  16. DR. Cabdiqaadir Deeq Cabdilaahi
  17. Hussein Mire Deeq
  18. Xasan Mubaarik Muuse
  19. Khaddar Maxamed Muuse
  20. Deeq Cabdilaahi Cabdi
  21. Abdi Cabdilaah Axmed
  22. Axmed Maxamed Jama

ALLAA  MAHAD LEH

Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Beelaha Gabooye

Advertisement

Ku Xayeysiiso