SHAMACA SHIDAY KULMIYE….Qalinkii: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

SHAMACA SHIDAY KULMIYE….Qalinkii: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Alle waxaan Inoo Waydiinayaa Inuu Qarankeena Inoo Barwaaqeeyo Nimcooyinkiisa Bilaa Nusqaanta Ahna Uu Inagu Galado.
Dhigana maanta waxaan kaga faaloon doonaa fursdaha iyo cabiraadaha lagu cabiro xiligan oo kale marka ay siyaasada tartankeedu marayo sida tan hadda Somaliland.
Xiligan marka lajoogo waa marxalad ama wakhti ka duwan wakhtiyada kale ee xisbi jirri karro ama hawl geli karro. wakhtigan oo kale waxay ubaahan tahay hawl dheeri ah iyo ajendeyaal ka duwan kuwii horre.
Ajendeyaashaas oo noqon karra kuwa lagu kala dheeraynayo laguna kala tagi karro xiliga lagaadho doorashada iyo hadda oo ay tahay geedigii doorashadaba.
Hadba inta qorshe ee aad geliso maanka iyo maskaxdaadana aad ka keento ayaa noqon karra kuwa kuu horseeda guusha.
Dhamaan sadexda xisbi ee Somaliland na way kula duwanaadeen taas lagu kala guulaysanayo ee horseedi karta shacbiyadaada iyo soo jiidashada bulsho ee aad hanan karto.
Waxaa geediga xisbiga kulmiye ee horumarinta ah waxaa gadhwadeen ka ah oo hagayaal ka ah tirro aqoonyahan oo lagu kala tagy xiligan kuwaas oo ay kaga duwanaadeen xisbiyada kale .
Aqoonyahan kani waxay saamayn weyn  u yeesheen una hureen dhiigooda  sidii xisbigan uu u noqon lahaa mid dhadhama oo u cuntama bulshada.
Hadii aad dib u eegto taariikhda waad dareemi kartaa isbedelka saamaynta leh ee ay keeneen aqonyahanka hadda ka hawl gala xisbigaa kulmiye.
Aqoonyahan kaas waxaa ugu horeeya PROF OSMAN ABOKOR DUBBE kana mid ah kuwa ugu tunka weyn xaga hagida iyo qaabaynta dhiiri gelineed ee xisbiga hanaankiisa kala duwan ee lagu hagayo geediga aqoonta iyo guusha horumar.
Xisbi marka uu haysto hanti lamid ah PROF DUBBE oo kale waxaa hubaal ah in hawl qabadkiisu dhamaan tafatiran yihiin sidookale ay noqonayaan kuwo la saxartiray.
Sida aan ognahay Aqoontu hadda waa mida keliya ee nolosha geedigeeda saxda noqotana mida keliya ee lagu hanan karro qaybaha nolosha maadaama ay waxkastaa noqdeen mid lagu salaynayo aqoon xitaa qaybaha hadalka ee kala duwan.
Waxaan dhamaan kula talinayaa cidkasta oo doonaysa in hawl hanaaneedkoodu saxmo inay xooga saaraan aqoonyahan ka halka hadda xisbiyada qaarkood caanka ay ku noqdeen inay qabiil ku midoobaan markastana ay saxaafada la joogaan hab qabiili oo aan ahayn mid lagu gaadhayo guul.
    ……………Wabilaahi Tawfiiq…………
W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
Siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.
Mob: +25263 409 48 55

Advertisement

Ku Xayeysiiso