“ Ku Dooro Xisbiga Kulmiye Qorshe Qaran Iyo Hogaamin Toolmoon”

“ Ku Dooro Xisbiga Kulmiye Qorshe Qaran Iyo Hogaamin Toolmoon”

Xisbigaad Taageeraaso Waa Inaad Barnaamijkiisa Siyaasadeedka Cusub Ee Xisbiga Kulmiye 2017-2022 Umadda Reer Somaliland Ku Taageeraan Dadka Hadal Uma Baahna Ee Waxqabad Bay U Bahan Yihiin, Hadaba  Tolaay Reer Hebeloow Taladu Maanta Ma Joogto,  Muwaadiniinta Reer Somaliland Ama Umadda Somaliland Waxaan Idin Leeyahay Aynu Marlabaad Ku Doorano Xisbiga Midnimada Cadaalada Iyo Horumarka Waxqabdkiisa Dalka, Hadaba Xisbiga Kulmiye Muddii Uu Xilka Hayey Waxa Uu Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Ka Hirgeliyey Waxqabad Ballaadhan Oo Dhinac Walba Leh.

Derejo Siinta Ciidamadda Qalabka Sidaa, Waxay Kamid Tahay Tallaabooyinka Astaanta U Noqon Doona Waxqabadka Xukuumadda Kulmiye, Guusha Ugu Weyn Arrintaas Laga Gaadhay Waa Iyadoo La Helay Ciidamo Astaan Qaranimo Huwan Oo Leh Nidaam Iyo Kala Dambeyn Cad Oo Aan Madmadow Ku Jirin Maamulkooda.

Xisbiga Kulmiye Muddadii Ay Talada Haysay. Waxaana Lagu Tilmaami Karaa Inay Tahay Xukuumaddii Wax-Qabadka, Waxa Laga Maarmaan Ah Inaan Is Xusuusano Waxyaabaha Ugu Waaweyn Ee Dalka Laga Qabtay Muddadda 7 Sannadood Ah Ee Ay Madaxweyne Siilaanyo Talada Hayey, Iyadoo Siyaasada Iyo Barmaamujka Lagu Shaqeynayey Uu Yahay Diwaankii Xisbiga Kulmiye Dejiyey Intaanu Talada La Wareegin.

Xukuumadda Kulmiye Waxay Muddo Todoba Sannadood Ah Dalka Ka Hir-Gelisay Doorashooyin, Diwaan-Gelinno Muhiim U Ah Qaranka, Sida Diwaan-Gelinta Muwaadiniinta Ama Qaadashada Kaadhka Dhalashada, Taasoo Kala Saaraysa Qofka Muwaadinka Ah Iyo Qofkaan Dalka U Dhalan Iyo Diwaan-Gelinta Codbixiyeyaasha.

Markii Xukuumadda Kulmiye Talada La Wareegtay Magaalada Laascaanood Waxay Ahayd Meel Aan Raad Dawladnimo Ka Muuqan, Waxay Ahayd Magaalo Nabad-Gelyaddeedu Aanay Sugnayn. Iminkana Waxa La Gaadhsiiye Amnigeeda Madaxweynaha Qaranku U Hoydo, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Intay Derejada Ku Toshay Saraakiisha Ugu Saraysa Ciidanka Ayey Gaadhsiisay Ilaa Dable, Taasoo Meesha Ka Saartay Ciidankii Isku Dhex Yaacsanaa, Haybad Iyo Muuqaalsanna U Yeeshay Ciidamada Kala Duwan, Boolis, Milateri, Asluubta , Kuwa Badda Iyo Ciidamada Kale Ee Dalka.

Halka Dhaqalaha Misaaniyada Dawladda Ee Sanadlaha Ahi Kuma Koobnaan Xaddiga Afartii Sannadood Ee U Dambeeyey, Labaddii Sannadood Ee Dambe 2015-16, Waxay Miisaaniyadu Gaadhay 295,180, 174 Dollar, Taasina Waxay Ku Tusaysaa Koboca Dhaqaale Ee Xawliga Ku Socda, Iyadoo Sanad Qudha Korodhay 13% Miisaaniyaddu.

Isku Soo Wada Duuboo Waxqbadka Xisbiga Kulmiye Cad Ceed Soo Baxaysa Sacab Laguma Qarin Karo, In Dhihii Fayoobina Way Arkayaan Ayay La Mid Tahay

Wa Bilahi Tawfiiq

Qalinkii Garyaqaan Muxiyadiin Mohamed Abdi

Hargeysa /Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso