Gudaha Ka Eeg :Dhalinyarada Beelaha Baha-Dhamal Oo Ayyiday Taageeradii Madax-Dhaqameedka Iyo Homuudka Beeshu U Muujiyeen Murashax Muuse Biixi Cabdi .

Waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Hargaysa ka qabsoomay xaflad balaaadhan oo ay qabsadeen Dhalinyarada Beelaha Baha-Dhamal, taas oo ay ku ayyidayeen go’aankii Madax-dhaqameedka iyo hormuudka beeshoodu ku taageereen  Murashax Muuse Biixi Cabdi .

Waxaana Munasibadaasi ku sugnaa boqolaal dhalinyarada Beeshaasi, Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Cumar C/laahi Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaada Ee KULMIYE Mudane Cabdi Najax, Xog-hayaha Abaabulka Ee Garabka Dhalinyarada Liibaan Ismaaciil Buraale iyo Masuuliyiin kale .

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay xubno ku hadlayay afka dhalinyarada, waxaanay dhamantood si isku mid ah ay carrabka ugu adkeeyeen in ay ayyidsanyihiin, isla markaana taageersanyihiin Cududda Taageero ee Beesha Baha-dhamal ay u muujisay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi .

Xog-hayaha Abaabulka Ee Garabka Dhalinyarada Xisbiga KULMIYE mudane Liibaan Ismaaciil Buraale oo halkaasi ka jeediyay khudbad qiimo-badan oo dhinacyo badan taabanaysay, ayaa ugu horayn dhalinyarada uga mahad-naqay sida ay isusoo abaabuleen, iyo sida ay muujiyeen cududooda iyo taageerada mugga leh ee ay u muujiyeen Murashaxa Xisbiga KULMIYE .

Xog-haye Liibaan ayaa ku dheeraaday sida xisbiga KULMIYE uga duwanyahay Xisbiyada kale, iyo sida uu ahmiyadda u siinayo horumarka dhalinyarada Dalka .

Waxaa uu Xog-haye Dul istaagay taageerada laxaad-ka leh ee  Xisbigu ka kasbaday dalka, waxaanu sheegay in Beesha Baha-dhamal ay isku af-garatay Taageerada Muj Muuse Biixi .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga KULMIYE Mudane Cabdi Najax, waxaanu dhalinyarada uga mahad-naqay taageerada ay xisbiga u muujiyeen, isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu xaflad ka soo qeyb galo .

Agaasimaha Ciyaaraha Mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye oo isna hadlay, ayaa halkaasi ka jeediyay ayaa ku dheeraaday sida xisbiga KULMIYE maanta u yahay xisbiga ugu dhaw Guusha, waxaanu u soo jeediyay dhalinyarada in ay maanta cududooda iyo codkoodaba siiyaan Xisbiga KULMIYE .

Waxaanu carrabka ku adkeeyeen in Xisbiga KULMIYE noqon doono xisbigii ugu waxtarka badnaa ee soo maraa Deegaanka haddii uu guulaysto .

Ugu dambayn waaxa xafladaasi soo gunaanaday oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Mudane Cumar C.laahi Aadan, waxaanu sheegay in uu ku faraxsanyahay in dhalinyaraduna ay ay maanta awooddooda ku barbar galaan Madax-dhaqameedkooda iyo Hormuudkoodu halka ay u soo sahamiyeen ee ah  Xisbiga KULMIYE .

Waxaanu sheegay in maanta danta Beeshu ay ku jirto Xisbiga KULMIYE, waxaanu ugu baaqay dhalinyarada in ay codkooda maanta siiyaan Xisbiga KULMIYE .

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso