Gudaha Ka Eeg : Shiinaha Ma Oggolaan Doono in Dagaalku ka Qarxo North Korea

Shiinaha oo sheegay in aysan u ogolaan doonin dagaal ka qarxa  Jasiiradda Kuuriyada  ayna tahay dhibaatooyinka hadda jira in si nabad ah loo xalliyo  ugana baaqayaan Washington iyo Seoul in ay ka fogaadaan wixii  xaaladda wax ku kordhinaya .

 

“Dhibaatada ka jirta Jasiiradda Kuuriya waa in lagu xaliyo si nabadgelyo ah,” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Qoraal  lagu daabacay bogga wasaaradda Arrimaha Dibada  ayaa ka hadlay  ansixinta  go’aankii cusbaa ee Xalay  ay soo saareen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “Shiinuhu marnaba ma oggolaan doono dagaal ka dhaca Gacanka Kuuriya iyo fawdo Dhacda. ”

Waxaanu Qoraalka intaa Ku Daray “Shiinuhu wuxuu rajeynayaa in qodobka 2375  in si buuxda oo dhammeystiran loo fulin doono” .

Geesta kale  Shiinuhu wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo in la geeyo Sawaariikhda difaaca ee Maraykanka , Koonfurta Kuuriya sababtoo ah waxay si weyn u waxyeeleynaysaa ammaanka Shiinaha iyo amniga istiraatiijiga ah ee gobolka.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso