Gudaha Ka Eeg : Fadhato ka Socota Goobaha Ganacsi ee Florida Ka dib Duufaanta “Erma”!!!

Bilayska Mareykanka ayaa xidhay 28 qof oo ka faa’iideysanayay fowdada ay sababtay duufaanta “Erma”, oo ku dhufatay Florida si ay u xadaan ama fadhataysataan goobaha ganacsiga.

“Waxaannu xidhnay 28 qof illaa hadda sababtoo ah dhacdooyin fadhataysi ah Askarteennu waxay sii wadaan inay xoojiyaan bandoowga ilaa 7-da subaxnimo ” ayuu bilayska maxalliga ah ku yidhi bartiisa tweet-ka .

Booliska ayaa isaga Sii Wata Warkiisa waxa uu yidhi “Waxaan sii wadaynaa ilaalinta waddooyinka mana u oggolaan doonno qof in uu fuliyo hawlo dambi iyada oo waddanku uu la tacaalayo saameynta Duufaanta Erma.

Dhiniciisa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar ku dhawaaqista Florida “aag weyn oo musiibo” waxaana uu amar ku bixiyay taageerada federaalka ee gobolka ay saameeyeen duufaantii “Erma” burburisayna gobolka tobankii bishan.

Waxana Laga Soo Sheegaya Hirarka weyn iyo dabaylaha xooggan oo ay weheliyaan roobab culus in ay dhufteen xeebta Florida taas oo sababtay Khasaare weyn.

Magaalada Miami iyada qaar ka mid ah jidadkeedi isu bedeleen webiyo daadadku sababeen duufaantu, sidoo kale korontada ka go`an 1,43 milyan oo qof oo ku nool Florida oo ku dhawaad ah saddex meelood meel dadka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso