Gudaha Ka Eeg : Ruushka iyo Turkiga oo saxiixay heshiiska S-400

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ankara ay bixisay qaybtii ugu horeysay ee Heshiiska  Sawaariikhda S-400  ee Ruushka.

Erdogan ayaa u sheegay saxaafada ka dib markii uu ka yimid dalka Kazakhstan  “Sida ku cad xogtayda lacagtii ugu horreysay ayaa la bixiyey  waxaana sii wadaynaa inaan sii deyno inta hadhay Mr. Putin iyo anigu waxaan ku kalsoonahay Socod siinta arintan “

La taliyaha Madaxwaynaha Ruushka ee arrimaha Ciidanka Vladimir Kugin ayaa sheegay in Ruushka iyo Turkiga ay saxiixeen heshiis ku aaddan sidii loogu dhoofin lahaa Gantaalada Ruushka S-400 dalka  Turkiga.

 

“Waxaan xaqiijin karaa in dhammaan go’aannada loo qaatay sida waafaqsan heshiiskan si buuxdana ay u waafaqasan yihiin Masaalixda Istiraajiyadayada  Waxaanu fahamsanahay jawaab celinta dhowr dal oo reer galbeedka ah oo isku dayaya inay cadaadis saaraan Turkiga. ”

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso