Madaxtooyada Yemen: Ma Jiro Khilaaf Naga Dhexeeya Imaaratka iyo Kirada Dekeda Cadan

Madaxtooyada Yemen ayaa markii  horeysay beenisay warar ku saabsan sheegayna in la kireeyey  dekedda Caden iyo jasiiradaha Socotra iyo Mune  iyo in uu khilaaf ka dhex taagan yahay  Imaaraadka Carabta.

Sarkaal ka tirsan xafiiska madaxtooyada ayaa beeniyay waxyaabaha la isla  dhex maraayaan warbaahintu iyo baraha bulshada ee ku saabsan jiritaanka heshiis lagu kiraynayo dekedda Caden iyo jasiiradaha Socotra iyo Mune ee UAE.

Wakaaladda wararka ee Yemen ayaa ka soo xigatay ilo aan la magacaabin iyagoo sheegay in “wadahadalada ku saabsan heshiisyada aysan lahayn wax aasaas ah .”

 

Waxayna intaa ku dartay sheegay in In Cida Warkan faafinaysaa ay tahay  Houthi iyo Saalax  iyagoo isku dayaya inay ku jeediyaan dhibaatooyinka gudahooda  si ay u  soo jiitaan dareenka dadka.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso