Gudaha Ka Eeg : Erdogan oo Rooxaani kula kulmay Kazakhstan

Warbaahinta Turkiga ayaa soo Warisay kulan dhexmaray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo dhiggiisa Iran Hassan Rowhani ee caasimadda Kazakhstan ee Astana.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa ka soo xigatay ilo Madaxtooyada   in shirku ka dhacay Hotel Rixos ee magaalada Astana iyagoo sheegay in kulanku ahaa mid alaabada u xidhan yihiin  socdayna muddo saacad ah.

 

Madaxwaynaha Turkiga ayaa Jimcihii tegey Kazakhstan isagoo booqasho rasmi ah  iyo martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyay dhigiisa Kazakhstan Nursultan Nazarbayev.

Erdogan ayaa lagu wadaa inuu ka qaybqaato shirka ururka Islaamka ee sayniska iyo teknoolajiyadda kaas oo lagu qaban doono Astana 10ka iyo 11ka Sebtember.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso