Gudaha Ka Eeg : Wasiirka Daakhiliga Jarmalka: Mudnaanta la siiyo qaxootiga waa mid sareeya

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Thomas de Mzier ayaa sheegay in mudnaanta ay ka helaan qaxootiga Jarmalka jooga ay ka sarreeyaan dalalka kale ee Midowga Yurub.

“Mudnaanta ay heleen qaxootigu waxay saameeyaan dhaqaalaha Jarmalka,” ayuu Mzier ku yidhi hadal uu ku qoray wargayska Jarmalka Rienche Post.

“Faa’iidooyinka qaxootiga ee dhammaan wadamada Midowga Yurub waa in ay isku dheellitirmaan ” ayuu yidhi si aysan waddanka ugu iman culays ka badan ka wadamada kale.

Qiyaastii hal milyan oo muhaajiriin ah oo badiba ka soo jeeda Suuriya, Ciraaq iyo Afqaanistaan, ayaa galay jarmalka sida ku cad qiyaasta dawladda.

Jarmalka ayaa ay qaxoontigu ka helaan kabid  bishii guriyeyn iyo caymiska caafimaadka.

 

Warqabadka Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso