Ciidamada Israel Oo ku Go`doomiyey iskuul ku yaal Beytlaxim si ay u burburiyaan saacado kadib markii dib loo dhisay

Ciidamada Israel ayaa weeraray dugsiga Jib al-Zayyib ee bariga  Beytlaxam Galabtii  Sabtida ka dib dhamaystirkiisa saacado ka dib.

Wakiilka Falastiinta ee Iska Caabinta darbiga iyo deegaamaynta Bethlehem Xasan Barijieh ayaa Wakaalada Wafa u sheegay in ciidan xoog badan oo ka tirsan ciidamada Yuhuuda  in ay go`doomiyeen iskuulkii Jab al-Zayyaab oo dib loo dhisay fiidnimadii shalay ka dib markii ay burburiyeen Yuhuudu saddexda labaatankii Bishii ina Dhaaftay .

Wuxuu na intaa ku daray  in mas’uuliyiinta Israel ay doonayeen in ay qaataan waxyaabaha ku jira dugsiga, ka dibna isku dhacyo ka dhaceen aaga taas oo keentay dhaawaca tiro badan oo reer Falastiin ah kuwaas oo ku neef qabatoobay  gaasta ilmada keenta iyo xidhitaanka dhowr qof oo kale.

 

Dhanka kale Mana News ayaa soo warisay in ciidamo  Israa’iil ah weerareen kana weerareen dugsiga saddex dhinac  iskuna dayeen in ay caydhiyaan dhaqdhaqaaqayaasha dhismaha Dugsiga   hore loo burburiyey waday waxayna u adeegsadeen bambooyinka gaaska iyo xabbado Dhaqdhaqaaqayaasaha  iyo waalidiinta oo ku jira dugsiga uga saari lahaayeen.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso