Daawo: Ilbidhiqsigii uu Gaadhigu ku Qarxay badhamaha Kiev

Warbaahinta maxaliga ah ee Ukraine ayaa soo bandhigtay fiidyoow muujinaya daqiiqadii qarax ka dhacay badhtamaha magaalada caasimada ah ee Kiev Qaraxaas oo uu ku dhintay hal qof.

Sida laga soo xigtay ilo maxali ah qaraxa ayaa ka dhacay jimcihii badhtamaha caasimadda, waxaana Saarnaa Gaadhiga saddex qof darawalka haweennay iyo ilmo.

Qaraxa ayaa sababay geerida darawalka halka haweeneyda oo Ahayd Kuwa Dharka Xaysiisa isbitaalka Loola Cararay iyada oo dhaawac halis ah halka ilmuhuna aanay Waxyeelo Soo gaadhin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine ayaa sheegtay in dhibanuhu uu ahaa muwaadin reer Georgia ah hore u diiwaan gashana dambiyo hore, halka qaar ka mid ah warbaahinta ay tilmaameen in ninka Dhintay hore uu ka qayb qaatay dagaalka ka dhacay Donbass bariga Ukraine.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso