Gudaha Ka Akhri Mauritania oo Ka Hor IStaagtay dhaqdhaqaaqayaal Mareykanka ahi inay soo galaan dhulkooda

Madaxda Mauritania ayaa sheegay in Nouakchott anay ka hor istaagay dhaqdhaqaaqayaal Marayakan ah ka soo horjeeda adoonsiga in uu soo galo dhulkiisa, sababtoo ah waxay doonayaan inay ku shaqeeyaan barnaamij ku lid ah sharciyada Mauritania.

Wasiirka Dhaqanka Mauritanian Maxamed Walad Sheekh ayaa sheegay “Waxaan ku wargalinnay Safaarada Mareykanka in Wafdigan inaanan siin doonin fiiso sababtoo ah barnaamijkiisa, taas oo aan u aragno in uu ka soo horjeeda sharciyada Mauritania,” .

Waxa uu intaa ku daray in barnaamijkan aan lagala heshiin hay’adaha Mauritania sida caadiga ah, waxaana ku jira kulamo ujeedooyin iyo qorshe gaar ah ku shaqeynaya.

Addoonsiga Mauritania waxaa si rasmi ah looga tirtiray sanadkii 1981, laakiin weli waxaa jira hab dhaqameedkiisa.

Dhaqdhaqaaqayshan Maraykanka ah ayaa la filayay inay booqdaan Mauritania laga bilaabo 8-dii ilaa 15-kii Sebtembar si ay ula kulmaan saraakiisha Mauritania, saraakiisha safaarada Mareykanka ee Nouakchott iyo wakiilada bulshada rayidka ah ee Mauritania.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso