Gudaha Ka Eeg : Interpol oo Ka Saaratay Magaca Al-Qardaawi Liiska Kuwa la Raadinayo

 

Booliska Caalamiga ah  (Interpol) ayaa magaciisa ka saaray kana tirtiray Gudoomiyaha   Culimada Muslimiinta adduunka  Dr. Yusuf al-Qardaawi  liiska kuwa la doon doonayo  sidoo kalena ay cadaatay dacwada lagu eedeeyay ay tahay Been abuur lagu sameeyey.

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Carabta Fadhigiisuna yahay Britain ayaa xaqiijisay in Interpol ka saaratay magaca al-Qardaawi  liiska doonayo  kadib markii Ururka Booliska Caalamiga ah sameeyay  baadhitaan iyo dabagal wixii  ka dhacaya Masar.

 
Qoraal La Soo Saaray lana faafiyey ayaa lagu sheegay in dhammaan magacyada lagu soo daray liiska la doon doonayo codsi ka yimid madaxda dalka Masar dhamaan la baabiiyey faylashooda ka dib markii la ogaaday in ay yihiin oo kaliya arrimo  siyaasadeed oo xuddun ay u tahay Maamulka ay Mucaaridka ku yihiin.

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee  Carabta ayaa intaa raaciyay in Interpol ku daabacday magaca Al-Qaradawi Bogooda Eedeeymo sida  boob, gubid, dil  dhammaan eedeeymaha loo soo jeediyayna waa laga   been abuuray sababtoo ah waxay ka dhaceen  Masar isaga oo aan joogin iyo sidoo kale aan macquul ahayn  kuna haboonayn Cumrigiisa iyo taariikhdiisa.

Dhiniciisa Gudoomiyaha Hay`adaha Xuquuqda Aadanaha ee  Carabta Maxamed Jamaal ayaa ka mahad celiyay horumarkan isagoo intaa ku daray in go’aanka INTERPOL ee ah in laga tirtiro magaca al-Qaradawi iyo magacyo kale waa guuldarro xukuumadda Masar.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso