Allaw u gar gaar Muslimiintaa Burma lagu dulmaayo

Baraha Bulshada Wararkan Badane Soo Gaadha
Badatay Qayladiyo islaamkii Barina loo diidye
Bilaadadii nabdoona Siduu Biimo ugu Qaaday
Bur burkuu ugaystay Carab  Baduhu xoogayay
Barqadu Kaabul Duqeeye Dadka Badi kulaynaayay
Bambooyinkuu Ku tuuray Baqdaad Buu noogu dawgalaye
Belo Waxa dhacaysiyo Xasuuqan Basharka loo geysto
Beesha Caalamka kuwan sheegta Baadilka u dooda
Iyo Beenta Qaramadan kumidoobe Baanka Wada jooga
Boqlaal ka lagubayee Booraanta lagu aaso
Weligood Ma baadhaan tuugta bi’isay reeraha e
 Baabuur Hadii Laga ban jiriyo oo Baange lagu tuuro
Markaasay is buur buuraano  buuqdaa gaaladuye
Baadariga beentaa Akhriyee Xumaha Beeraaya
Iyo Bayna xaarami oo dhanbaa Soo Bacaac dhaha e
Muslin uma bigeeyaan walee Balantay gaaladuye
Caawana Burmay Caruurtii Ku  dul bireeyaane
Baastarada Nimankii ahaa eydii Buudhisamku
Birta Saare muslinkii Burmoo beegsi lagu doone
Bulshaduba ka oyday islaamkii siday ugu Bisleeyeene
Bilaashbay kulaayan Boqolal kuno Ciduba eegayne
Bandawba  lasaaray muslimkiiyo Nabad kuma bariistaane
Baroorta Baxaysa  Cabdaw Belada Qiiqaysa
Binooyinkay Gubaysaan Arkaa Badawda Gaaladuye
Basarkii Saxaabada Hadaan Balan la sii gaadhin
Baayacaada Hadaynaan  gelinoo Baylka loo xidhan
Oo aynaan Bad baadin Tolkeenaa Barada loo diiday
Banaan kuma Cisawno Bormaay waan soo jihaysnahaye
Banduq Baan Ku Gaadhnehee haday Badu isii dayso
Bishan Baaska Waan Marin lahaa Bandaradoodase
 Bakhtigooda Waan googoyn lahaa badanka gaalada e
Boqcadeenaa kala foge Hadanan berri Ku soo gaadhin
Billaahi kaama xistiyin burmaay Baydh kolay tahaye
Anunba Buskuu igu Banjariyay Wali ka soo bixine
Balse ducada Waan badinayaaye Guusha Badan yeesha
Bushaarooyinkii diinta Labada Baab yeesha
Bilaad kaa intaad nooshihiin Bilad Ku gaadhnaada
Aakhirona Burhaantii janada Baacith idin gee

abwaan garaad <saleban4344@gmail.com>

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso