Maleeshayada Xuutiga oo Soo Bandhigay Soomaali ka Barbar Dagaalamayay oo ku Dhintay Dagaal Xuduudka Sucuudiga Ka Dhacay

Maleeshayada Xuutiga oo Soo Bandhigay Soomaali ka Barbar Dagaalamayay oo ku Dhintay Dagaal Xuduudka Sucuudiga Ka Dhacay

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Ayaa markii ugu horeysay Qirtay in ay u qorteen Ciidamo Laajiyiinta Afrikaanka asi ay uga barbar dagaalamaan, inkastoo ay hore u dafiri jireen tan iyo markii ay la wareegeen awooda qarxayna dagaalku dhamaadkii 2014-kii.

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa daabacday soona bandhigay sawirka mid ka mid ah kaas oo ah Soomaali laguna dilay dagaalladii ugu dambeeyey ee maalintii koowaad ee ciidda ka dhacay xuduudka Sacuudiga iyo Yemen.

Xuutiyiinta ayaa soo bandhigay dilka Cabdi Fataax Maxamed Sayed sawirkiisa waxayna ku sheegeen kuna tilmaameen in uu ahaa Soomaali, waxaana lagu dilay isaga oo ka dhinac Dagaalamaya Dagaal yahanadooda dagaalo ay iskaga hor yimaadeeen ciidamadii Sacuudiga ee xuduudda.

Ciidanka Yemen ta ayaa waxay si joogta ah u sheegaan askar African ah oo ka dhinac dagaallamaya maleeshiyaadka Xuuti-ga gaar ahaan dagaalada Mukha iyo Taiz laakiin maleeshiyaadka Xuutigu ayaa beeniya .

Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ayaa horey u xaqiijisay in ay jiraan caddaymo cusub oo ah in kooxda Xuutigi ay ku lug leedahay in ay u isticmaalaan qaxootiga Afrikaanka Gabaadyo Furimaha Dagaalka.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso