Buugta Waxbrashadda Aljeeriya oo laga Tirtiray Bisinka iyo Muran ka Dhashay

“Waxa Isweydiin Leh sababta Rasmiga ee looga Saaray Bisinka Buugta Ardayda loona  go’aansaday in ubadka la baro   luqada  Faransiiska 3 saacado of oo dheeraad ah “Maxamed Salim

Markii ugu horreysay tan iyo madax-bannaanida dalka Aljeeriya  buugaagta cusub ee Waxbarashada  ayaa waxa ka  muuqday sanadkan in laga reebay  Bisinka (بسم الله الرحمن الرحيم)  taas oo dalka ka abuurtay Dood iyo Muran balaadhan.

Jimciyada Culimada Muslimiinta ayaa ka hadlay iyana Go`aanka Wasaarada Waxbarashadu ay ku dhaqaaqday.

Wasiirada Waxbarashada Nuria Ben Gbrit  ayaa xaqiijisay warsaxaafadeed ka soo baxay ku sheegtay in Wasaaradu ay ka  saartay Bisinka Buugtii ay soo Saareen bishii Juun ee sannadkan Dugsiyadana la Furay Arabacdii iyada oo sharraxaysa hadalkeeda waxay tidhi”Bisinka  waxaa laga helayaa buugaagta waxbarashada Tarbiyada sababtoo ah waa khasab, laakiin ka tirtirka buugaagta intiisa kale waxay mas’uul ka ah kuwa naqshadeynaya iyo kormeerayaasha  daabacadaha buugta.”

Jimciyada Culimada Muslimiinta oo ah Jimciyada ugu weyn  Ururada Culimada Muslimiinta ee  Aljeeriya ayaa ku sheegay weerar “Waa weerar lagu qaaday maskaxda carruurta iyo  Jiritaanka dadka Astaanka Aljeeriya iyo iimaankooda.”

Ururku wuxuu sheegay in “khudbadaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dhammaan buugta Waxbarashada afar qarni  waxay ka bilaabmaan Basinka”, iyaga oo ku eedeeyay mas’uuliyiinta “waxay isku dayayaan in ay kor u qaadaan carruurta aan diinta laheyn,waxay burburinayaan qiyamka iyo anshaxa” .

Golaha ayaa sidoo kale Su`aal Geliyey Ujeedada Bisinka Lagaga Saaray Buugta Waxbarashada Waxayna Yidhaahdeen ” ujeedada ah in la tirtiro Basinka hadda iyo ajandaha ficilkan noocan oo kale ah laga leeyahay iyo Cida uu u shaqaynayo. ”

Doodo la isku Weydaarsanyo baraha Bulshada ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid la yaab leh oo fajiciso ah waxaynu ku sheegeen mid lagaga fogeynayo Caruurta Aqoonsigooda Diintooda waxay ugu baaqeen waalidiinta, macalimiinta iyo barayaasha inay ku daraan Bisinka  inta ayna Casharada u bilaabin Caruurtooda .

“Dastuurka Aljeeriya iyo Quraanku wuxuu ku bilaabmaa Bisinka بسم الله الرحمن الرحيم  isagoo is waydiiyey sababta rasmiga ee looga Saaray Bisinka Buugta Ardayda loona  go’aansaday in la baro ubadka  3 saacadood oo dheeraad ah luqada  Faransiiska, isagoo ku nuuxnuuxsanaya in habkan lagu socdo uu halis u yahay Diinta Dalkan iyo iimaankiisa. “Sidaa Waxa Yidhi Aqoonyan ka hadlay Arrintan oo la Yidhaa Maxamed Salim.

Wuxuu ugu baaqay dhammaan macallimiinta  iyo waalidiinta in ay ku qoraan  Bisinka laga tirtiray Buugta gacantooda  si ay u gasho maskaxdaiyo maskaxda ardayda.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso