Gudaha Ka Akhri: Dhakhaatiir Hindiya oo toddoba Ilig ka Soo Saaray afka Ilmo Bil Jiray

 

Dhakhaatiirta gobolka Gujarat ee Hindiya ayaa ku guulaystay in ay 7 Ilig ka soo guraan Afka ilmo Bil Qudha Jiray.

Dhakhtar Mitt Ramatri oo ah kormeeraha hawlgalka ee adeegga Hindiya ayaa Sheegay In Ilmaha Xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay hadda” .
Waxa uu sharxay in geeddi-socodka hawsha lagu sameeyay laba marxaladood taas oo ay dhakhaatiirtu ay saareen afarta Fool ee hore iyo ilkaha kale oo ahayd iyana marxaladda labaad ee ilka saarista.

Ilkaha ayaa lagu arkay afka ilmaha yar maalmihii u horeeyey ee dhalashadiisa, ka dib markii waalidkiis u geeyeen dhakhtarka carruurta sababo iyo dhibaatooyin Xaga naas nuujinta hooyadiis.

Ka dib baadhitaan wuxuu ka helay afkiisa xuub cad,”Markii aan baadhnay, waxaan helay todoba ilkood,” Dr. Ramtri ayaa sidaa yidhi. “Mararka qaarkood ilkaha waa laga helaa ilmaha, laakiin ma koraan, Ilmahan way koreenn ka dibna waabay soo Baxeen Soona Muuqdeen.”

Waxa uu sheegay in uusan marnaba arkin ama akhriyin wax xaalad ah oo la mid ah, laakiin uma tixgelineynin wax aan caadi ahayn Waxaanu sheegay in ilmuhu hadda si fudud u naaska u jaqaayo .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso