Pyongyang: Hubkayaga Nukliyarka waa in La helo nabad iyo xasillooni!!!

Waqooyiga Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in ay u isticmaali doonto hubkeeda nukliyeerka iyo awooddeeda si ay u gaadho nabadda iyo xasilloonida Gacanka Korea waxayna xaqiijisay in haysashada  hubka noocan oo kale ah aan laga wada hadli karin.

Ken Onjie, oo ah wasiirka ganacsiga ee Waqooyiga Kuuriya hoggaaminayana wafdiga Kulanka Dhaqaalaha ee Bariga fog ee ka dhacaya Vladivostok, Ruushka ku sugan ayaa yidhi “Waxaan haysanaa awood nukliyeer  oo awood u leh in aanu iskaga caabino kagana Hortagi karno  weerar kasta oo ka dhacaya goob kasta oo caalami ah, waxayna Balanqaadaysa in si Nabadgelyo ah oo damaanad lehna loogu wada Noolaado Gacanka Kuuriya”

 

“Dhaqanka Mareykanka ee ku aaddan tijaaboyinka iyo ballaadhinta  nukliyeerka ee waddankeena ayaa ah mid sii hurinaya xiisadda iyo khatarta isticmaalka hubka nukliyeerka,” ayuu isna yidhi Wasiir ku Xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Waqooyiga Kuuriya.

Wuxuu sheegay in hanjabaad millatari ee Trump ay tahay “dab iyo cadho”  dhawaaqyada waqtigan xaadirka ah waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa xaqiiqda ah in Maraykanku uu ku dhaqmayo siyaasadda cagajuglayn ah si ba’ana iskaga indho-tiraya rabitaanka beesha caalamka si ay u gaadho amni iyo xasiloonida Gacan Kuuriyeed hadafkooduna waa In ay Shidaan Dabka Dagaalka.

Ergayga Waqooyiga Kuuriya  ayaa sheegay in xaalada Dalkiisu tahay Difaac Naftiisa ah marnaba aanay miiska gorgortanka looga hadli doonin, isagoo sheegay in tijaabada hydrogen Bamkii dhawaan iyo  gantaalaha ballistic ee Xambaara ay qaban karaan ay tahay is-difaacid ay qaadatay Pyongyang.

Wuxuu ku soo gabagabeeyey Hadalkiisa  “Waanu ka jawaabi doonaa cunaqabataynta wuxuushnimada iyo  xaasidnimo ee ay soo rogeen Maraykanka iyagaana qaadi doona wixii ka dhasha masuuliyadeeda oo dhan, waayo waxa laga yaabaa inay keento cawaaqib xumo iyo musiibo , Ameerikaanku  waa in aanay illoobin xaqiiqada hadda in aanu haysano  bamka nukliyarka iyo hydrogen iyo gantaalaha dhaadheer ee qaaradaha iskaga gudba “.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso