Gudaha ka akhriso Sarkaal Kurdish ah: Baqdaadi wuxuu qorsheynayaa aargoosi

FILE – This file image made from video posted on a militant website Saturday, July 5, 2014, purports to show the leader of the Islamic State group, Abu Bakr al-Baghdadi, delivering a sermon at a mosque in Iraq during his first public appearance. Al-Baghdadi released a new message late on Wednesday, Nov. 2, 2016, encouraging his followers to keep up the fight for the city of Mosul, which they are defending against Iraqi government forces, the SITE Intelligence Group, a U.S. organization that monitors militant activity online said Thursday. (Militant video via AP, File)

Lahore Talabani oo ah Masuul ka Mukhaabaraadka iyo Amaanka ee  gobolka Kurdistan, ayaa sheegay in Abu Bakr al-Baghdadi, hoggaamiyaha Daacish oo qorshaynayo weerarro xidhiidh ah oo argagixiso kana geysto Europe isaga oo kaga aargoosanaya guul darrada soo gaadhay  ururkiisa.

Sida ay qortay Wargeyska The Telegraph,  ayaa waxay ka soo xigtay sarkaalka Kurdishka ah in kaas oo ku tilmaamay qorsheyaasha Baqdaadi qaar adag isagoo intaa ku daray in weerarada diirada ku saaryo in ay noqdaan qaar  aan caadi ahayn looguna talagalay kor u qaadka niyadda  ururka ka dib markii ay guuldarrooyin isdaba joog ah ee Mosul ,Raqa iyo meelo kaleba.

Talabani ayaa ka digay khatarta  dhalashada kooxo cusub oo argagixiso oo ka dhasha Ciraaq mudada ay maqan tahay hirgelinta dib-u-habeeyn siyaasadeed.

Sarkaalkan ayaa Waraysi uu Siiyay Wareyska Mar uu Booqday London Ku sheegay  in luminta qaybo badan oo dalalka Ciraaq iyo Suuriya ee Kooxda Daacish  macnaheedu ahayn dhamaadka Daacish.

Talabani ayaa ku celiyay kuna adkeysanayo in Al Baqdaadi weli nool yahay iskuna Qarinayo meelaha cidlada ah ee soohdimaha Suuriya iyo Ciraaq. Wuxuuna sheegay in Baqdaadi doonayo in uu fuliyo  weeraro cusub oo argagixiso ah oo lagu bartilmaameedsanayo Ingiriiska iyo dalalka kale ee reer galbeedka.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso