Gudaha ka akhriso Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afgaanistaan oo Qaybiyey Waraaqo Meel ka Dhac ku Ah Islaamka!!

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afgaanistaan ​​ayaa Arbacadii u qaybiyey waraaqo muujinaya Ey ay ku qoran tahay shahaadada diinta islaamka, oo xadgudub weyn ku ah Muslimiinta.

Sawir ka ayaa Muujinaya Libaax eryenaya Ey Cad oo  calanka Taliban  looga  daabacay dhabarka ayna kuna Xardhan yahay.“لا إله إلا الله محمد رسول الله.

Ciidamada Mareykanka ayaa ku qoray Waraaqo ay Daabaceen “Dib uga soo ceshada xorriyadiina Eyahaas, ka caawi ciidamada nabadgelyada in ay ka saaraan Dalka cadawga, dib u soo ceshada xorriyadiina Damaanad Qaad amnigaaga,” .

Dhiniciisa taliyaha ciidanka Mareykanka iyo  NATO iyo hawlgallada gaarka ah ee ka socda Afgaanistaan, Major General James Linder, ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inay ahayd qalad dhacay.

“Waanu Ixtiraamaynaa  diinta Islaamka iyo asxaabteena Muslimka ah ee adduunka , Dadka ku nool gobolka dhexe ee Broan ee u dhow Kabul (Halka lagu qaybiyey Waraaqaha) ayaa aad uga cadhooday Waraaqahan laakiin se lagama soo sheegin dhacdooyin illaa iyo hadda. ”

 

Tani maaha markii ugu horreysay ee ciidamada Maraykanku ay ku kacaan Fal ay ku liidayaan Diinta Islaamka ,Afqaanistaan, 2012-kii askar Maraykan ah ayaa gubay nuqulada Quraanka, taasoo keentay mudaharaadyo ay ku dhinteen 40 qof.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso