Gudaha ka akhriso  In ka Badan Hal Milyan oo Dumar ayaa Sanadkan Gutay Xajka

Tirada  guud ahaan Sanadan Xajtay ee Ragi waa 1,33408 million halka Tirada Guud ee  dumarkuna tahay 1.018.042 Xaaji , sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee tirakoobka soona saartay Hay’adda Guud ee Tirkoobka Xujayda.

Waxayna tilmaamay Hay`adda Tirakoobku  in tirada dadka dibadda ka yimid ay gaadheen 1,752,014 oo xujey ah, halka guduhna yahay 600,108.

Warbixintu waxay sheegtay in xujyada ka yimid wadamada Asia ee aan Carabta ahayn dhan yihiin 1.042.335  noqonaysa na 59,49%  boqolkiiba tirada guud ee Xujeyda , halka 186,873 ay ka yimidaan dalalka Afrika ee aan Carabta ahayn  Waxayna Noqoanaysaa 10.67 % boqolkiiba.

Sida laga soo xigtay warbixinta waxaa jira 84,894 oo ka yimid wadamada Yurub iyo 22,268 oo ka yimid Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika iyo Australia.

Warbixintu waxay sheegtay in Xujeyda ka yimid dalalka Carabta gaadheen  383,044 Xaaji, halka tirada kuwa ka yimid Wadamada Iskaashiga Gacanka (GCC) 32,600 Xaaji.

Waxa uu intaa ku daray in 229,308 xaji  ay ka yimaadeen qaybo kala duwan ee Dalka Sucuudiga halka  370,800 ay ka yimideen Makka, kuwaas oo isugu jira Sucuudiyaan iyo dadka kale ee ku nool.

Waxa Xajka ka yimid Mecca waxay ahaayeen 79,116 Sucuudi iyo 291,684 aan ahayn Sucuudi. Sida laga soo xigtay Gastat, 1,648,332 Xaaji Waay ku Yimaadeen Dhinaca Hawada halka  14,827 ay ku yimaadeen badda iyo 88,855 oo Xaga Dhulka ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka ka shaqaynayay  adeegyada xujayda  ahaa gaadhayeen 538 158 oo qof, oo ay ku jiraan 30 870 qof kuwaas oo ka shaqaynayay adeegyada caafimaadka iyo ambulance, iyo 86,987 oo mas’uul ka ah korontada iyo biyaha, iyo 35,938 ee gaadiidka iyo saadka kale ee qaybaha.

Waxa intaa Dheeraa  in ka badan 300,000 oo ciidan iyo rayid ah oo ilaalinayay Amniga  martida Illaahay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso