Germany oo ku Wareejiysay Ruushka, Dagestani ka soo dagaalamay Suuriya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in  Jarmalka ku wareejiyey muwaadin Jamhuuriyada Dagestan ee ka Tirsan Midawga Ruushka u dhashay  xubina ka ahaa  kana tirsan kooxaha  hubaysan ee Suuriya ka dagaalama.

Irina Volk oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ruushka ayaa tidhi  “Booliska  Interpol iyo Maamulka Xabsiyada Federaalka ee Ruushka ayaa lagu wareejiyay Abdullah Omarov, oo dhashay 1992  oo Germany laga keenay”

“Waxaana lagu eedeynayaa dambiyada lagu soo oogay Qaybta II ee Qodobka 208 ee Xeerka Dambiyada Ruushka,” ayay tidhi Volck.

Waxay sheegtay in dacwad ciqaabeed oo ka dhan ah eedaysanaha la qaaday, iyada oo lagu eedeeyay ka qaybgalka colaadaha kooxaha hubeysan ee Suuriya. codsiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Dagestan, Cumarow ayaa lagu daray liiska la doonayo iyada oo loo marayo  INTERPOL.

Sida laga soo xigtay Volck, Omarov ayaa lagu xidhay Jarmalka waxaana loo wareejiyay Moscow si uu u baadho .

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso