Ururka MIDNIMO oo ay ku Midoobeen in ka Badan 200 Dhallinyarada Gobolka Sool oo la Midoobay Xisbiga KULMIYE

Laascaanood (ToggaHerer)- Ururka MIDNIMO oo ay ku midoobeen in ka badan 200 dhallinyarada wax ka barata dugsiyada Sare iyo kuwa jaamacadaha Gobolka SOOL, ayaa la midoobay xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Xaflad ballaadhan oo soo dhawaynta dhallinyaradan loogu sameeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, Wasiiru-dawlaha Beeraha Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxsiiska Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xowte), Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Jamhuuriyada Qaranka ee NOW ee Gobolka Sool Marwo Nadiifo Culujoog, saraakiil kale iyo siyaasiyiin ka tirsan KULMIYE iyo xukuumaddiisa.

Xubno ka mid ah hoggaanka ururka MIDNIMO oo hadallo ka jeediyey xafladda, ayaa sheegay inay go’aansadeen in ay si buuxda u taageeraan xisbiga KULMIYE oo ay u arkeen inuu yahay ka keliya ee ay isku hallayn karaan, dalkana horumar gaadhsiin kara, sidaasi darteedna ay kaga door-bideen xisbiyada kale.

Madaxda kala duwan ee xafladda ka qaybgalay oo iyaguna khudbado ka jeediyey halkaasi, ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay qaateen dhallinyaradan faraha badan ee ku midoobay ururka MIDNIMO, waxaanay u ballanqaadeen inuu xisbigu diyaar u yahay horumarinta iyo wax la qabashada da’yarta dalka

Advertisement

Ku Xayeysiiso