Gudaha ka akhriso: 80-sanno jiro  u dhashay Pakistan oo tusaale u ah Saaxbiibnimada Runta ah

Laba Xujey Baakistaan oo noqday Tusaale dhab ah kana dhabeeyey Saaxiibtinimada Dhabta ahi waxay tahay , Ejaz Dalali Ahmad iyo Ahmad Dalo Raj, labaduba Waa 80 sanno jir, waxay go’aansadeen in ay si wadajir ah  Xajka u aadaan. Waxay balan wada galeen  tobanaan sano ka hor in ay wadajir u urursadaan lacag ay ku tagaan xajka isla markaana wadajir u tagaan Xajka. Waxaa ka dhigay safarka nolosha oo dhan mid xiiso badan waa in Axmed Dalo Raj waa indhoole  wuxuu waayey indhahiisa sanado badan kahor.

 

Markii ay ugu dambeyntii yimaadeen  Makkah, labada saaxiib waxay u muujiyeen adduunka in dheelitirka saaxiibtinimadu ay aad u badan yihiin, in xitaa da` ahaan waxay muujiyeen in ay isku tiirsan yihiin midba midka kale  Raj, oo gabi ahaanba indho la’ wuxuu ku tiirsanaa saaxiibkiis Axmed oo Gacanta haya Goor iyo ayaan.

 

Labadan saaxiib ee ka soo jeeda Pakistan ayaa sugayay 25 sano inay wada yimaadaan Xajka. Axmed wuxuu diiday in uu xajiyo kaligiis oo wuxu ku adkeystay in saaxiibkiisii rumaad ee Raj uu la socdo, laakiin ma uusan haysan lacag ku filan oo lagu daboolo kharashka Xajka.

“Waxaan mar walba haystay lacag ku filan qarashka Xajka laakiin saaxiibkay Raj ma uusan haysan, sidaas darteed waxaan sugayay ilaa 25 sano illaa uu soo ururiyay lacag ku filan ee looga  baahan yahay Xajka,” ayuu yidhi Axmed.

Waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay oo faraxsanaa markii uu saaxiibkiis u sheegay in hadda uu haysto lacagtii loo baahnaa si ay rumeeyan riyadoodii rubuc qarniga ah ee sameynta ama gudashada tiirka shanaad ee Islaamka.

 

“Saaxiibkay Raj wuxuu ahaa indhoole, waxaanu wada jirnay tan iyo carruurnimadiisii hore, waxaanu ku heshiinnay in aanu wada tagno Xajka markaan jirnay 55 sano laakiin waxay qaadatay 25 sano si loo ururiyo lacagta loo baahan yahay ee Xajka,” ayuu yidhi Axmed .

“Had iyo jeer waxaan haystay lacag ku filan xajinta, laakiin waxaan sugay saaxiibkay inta uu ka helayo qadar ku filan,  sanadkan ayay noqotay markaa run, ka dib 25 sanno oo sugitaan ah,” ayuu raaciyay.

Raj wuxuu si buuxda ugu tiirsan yahay  Ahmed inta uu socdo dhaqdhaqaaqyada Makkah iyo goobaha Barakaysan ee cibaadada. “Axmed waa haga hayga waana qofka aan ku kalsoonahay isaga ayaa I geeya  teendhada, musqusha, Jamarat iyo meelo kale,” ayuu yidhi.

Raj wuxuu sheegay inuusan u mahad-celin Axmed in ku filan, sababtoo ah wuxuu muddo dheer sugayay isagoo awood u lahaa inuu iska bixiyo kharashka Xajka  iyo sidoo kale inuu hagayay xilliga Xajka.

“Axmed waa indhahayga oo aan wax ku arki karo, waa usha aan u isticmaalo si aan u helo jidka, waa awoodda aan ku tiirsanahay, wuxuu had iyo jeer ii ahaa saaxiib iimaan leh oo daacad ah,” ayuu yidhi.

Raj ayaa sheegay in uusan u mahadcelin karin saaxiibkiis in ku filan oo uusan ogeyn si uu u abaalmariyo camalkiisa wanaagsan. “Waxaan u duceeyey intii uu socday Xajka, waxaan sii wadi doonaa in aan u duceeyo isaga inta ka hadhay noloshayda,” ayuu sii raaciyey.

Raj wuxuu yidhi: “In ka badan 25 sano ayaa ka soo wareegtay  tan iyo markii Ejaz urursaday lacag ku filan oo ku guto Xajka keligiis, laakiin ma uusan tegin. Wuxuu i sugayay aniga. Had iyo jeer waan ku canaan jiray isaga se  marnaba ma iloobin waxa uu ii sameeyay. ”

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso