Muxuu Ugu Hanjabay madaxweynaha reer Chechnya Kuwa Xasuuqa iyo Dilka ku Haya  Rohingya Muslimka ah ? 

 

 

“Haddii aan awoodi karo  waxaan ku dhufan lahaa Qunbulad Duriye kuwa Dilaya Dadka, carruurta, haweenka iyo waayeelka,”

 

Kumanaan Kun oo Dibad baxayaal ah ayaa isugu soo baxay caasimadda Chechen ee Grozny  Mudaharaadyaasha ayaa ahaa qaar la jira Muslimiinta Rohinga ee lagu Xsuuqayo Myanmar.

Madaxweynaha Chechen Ramzan Kadyrov ayaa ka qeyb galay banaanbax ka dhacay caasimadda Grozny, isaga oo ku baaqay in la joojiyo dhiig ku daadanaya Myanmar iyo in la ciqaabo kuwa masuulka ka ah xasuuqa.

“Xitaa haddii Ruushku uu taageerayo Shayaadiinta ee maanta dambiyada galay waxaan diidi doonaa Mawqifka Russia, sababtoo ah waxaan leeyahay aragti iyo fikrad aniga ii khaas ah ,” ayuu ku yidhi Dibad Baxayaasha.

Wuxuu intaa Ku Daray”Haddii aan awoodi karo  waxaan ku dhufan lahaa Qunbulad Duriye kuwa Dilaya Dadka, carruurta, haweenka iyo waayeelka,”

“Maanta aniga iyo malaayiin dad ah oo ku nool daraasiin waddan ah ayaa ugu baaqaya hoggaamiyeyaasha caalamka inay joojiyaan dhiiggaaan weligiis ah,” ayuu yidhii Kadyrov isagoo hadal ka jeediyay dibad-baxa,sidoo kalen ku  baaqay in la ciqaabo saraakiisha baadhitaan caalami ahna lagu sameeyo dambiyada ka dhanka ah bani-aadamka iyo in Talaabo laga qaado kuwa xidhey xuduudada  diidayna  in ay gargaar u fidiso qaxootiga. “. “Ayuu yidhi.

Madaxweynaha Chechen ayaa sidoo kale dhaleeceeyay guuldarada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo ururada gobolka iyo aamusnaanta hoggaamiyeyaasha adduunka iyo saxaafadda dunida oo ku saabsan xasuuqa Rohingya.

Kadyrov ayaa horay u sheegay in uu ka horiman doono siyaasadda  dibada ee Ruushka haddii ay Moscow is barbar taagto maamulka Myanmar, kuwaas oo xasuuq iyo tacdi ku haya Rohingya ku nool  gobolka Rakhine ee Galbeedka Myanmar.

Waxaan helayaa farriimo badan oo ka imanaya dadka aan Muslimiinta ahayn iyo xataa Buddhistayaasha oo sheegaya in waxa dhacaya ay yihiin caddaalad darro iyo xasuuq, “isagoo muujiyay taageerayna Mawqifka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo ku tilmaamay dhacdooyinka galbeedka Myanmar ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya kuna tilmaamay xasuuq iyo dabar goyn .

Dalka Myanmar ayaa gobolka Rakhine gumeysi iyo xasuuq  gaar ahaan dhibanaha Rohingya ee Muslimka ah, kaas oo ay Myanmar u aqoonsanayn  muwaadiniin dalkeed ah, waxaana loo tixgeliyaa muhaajir aan loo baahnayn oo ka mid ah waddankan Buddhist.

 

Warqabadka ToggHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso