Dufcadii 8-aad ee Jaamacada Jig-jiga Oo ay Maanta ka Qalinjabiyeen 822 Arday+sawiro

Jig-jiga(ToggaHerer)Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga ee DDSI.Marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay Weheliyaan Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Shaqaalaha DDSI.Axmed Maxamed Koore iyo Badibada Wasiirada Kala Duwan ee Xukuumada DDSI.ayaa maanta ka qayb galey Munaasibad Balaadhan oo Shahaadooyin lagu Gudoonsiinayey 822 Arday oo  ka Qalinjabiyay Jaamacada Jig-jiga University.

 

Munaasibadan loo Qabtey qalinjabinta dufcadii 8aaad ee ardayda jaamacada Jigjiga oo ahayd mid Si Balaadhan loo soo Agaaasimay ayaa lagu qabtey Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdale Xasan.waxaana sidoo kale ka soo qaybgaley Masuuliyiinta iyo Maamulka Jaamacada Jigjiga,Waalidiin,Kooxaha Fanka iyo Suugaanta ee DDSI.iyo Marti Sharaf Tirabadan.

madaxwayne ku xigeenka jaamacada jigjiga Ilyaas Cumar  oo ka hadlay munaasabadan ayaa bogaadinta iyo hambalyada uu u jeedayay ardaydan ka dib ka warbixiyay dadaalada iskaashi ee ay dawlada JDFI  iyo dawlada deegaanku ugu jiraan kor u qaaditaanka tayada waxbarashada dalka gaar ahaan deegaanka somalida itoobiya  si loo soo saaro cudud aqoon yahan oo ku gaashaaman aqoon iyo xirfado ay ugu adeeegaan shacabkooda isaga oo tilmaamay in ay maalinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacayso heerka aqooneed ee ay jaamacada jigjiga bixiso madaxwayne ku xigeenka jaamacada ayaa sheegay in ardaydan maanta qalinjabisaysa oo ay tiradoodu dhantahay 822 arday isugu jiraan ardaydii wax baran jirtay xiliga xagaaga, kuwa looxjiidka ah iyo kuwa fogaanka waxku baray oo ay maanta tahay markii ugu horaysay ee ku jiran qalin jabinta ardayda wax ku baran jigay gobolad deegaanka sida qoraxay, jarar, shabeele,afdheer liibaan iyo siti taasi oo ay jaamacada jigjiga suurta galiyay in ay gaadhsiiso waxbarshada gobolada deegaanka   madaxwaynaha jaamacada ayaa sidoo kale sheegay in ay jaamacadu dadaal balaadhan ugu jirto sidii ay kaalin wayn uga qaatan lahayd wax ka qabashada dadaalada lagu horumarinayo bulshada deegaanka.

Sidoo kale Waxaa iyana Halkaasi ka Hadashay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  oo ugu horayn u hambalyaysay  ardaydan qalinjabisay maanta islamarkaana u mahad celisay  dadaalka ay wado jaamacada jigjiga ee suurta galisay in ay gaadhsiiso waxbarashad heer jaamacadeed dhamaan gobolad deegaanka oo ay maanta qaybtii ugu horaysay ee waxbarashada fogaanta wax ku baranjiray ee iyaga oo gobolada jooga waxbaran jiray maanta ay qalinjabiyaan  madaxwayne kuxigeenka  ayaa sheegtay in isbadalka horumarineed ee ka jira dalkeena itoobiya ay suurta galiyeen aqoon yahanada  kala duwan ee ka soo qalinjabiyay jaamacadaha kala duwan ee dalka madaxwayne ku xigeenka ayaa ku boorisay  ardaydan maanta qalin jabisay in ay ka midho dhaliyaan aqoonta ay sanadaha badan  baranayeen. Madaxwayne ku xigeenka  ayaa  sigaar ah ugu mahad naqday  shaqalaha dawlada ee iyaga oo waajibaadkoodii shaqo gudanaya   maanta qalinjabinay

 

Gabagabadii munaasabadan qalinjabinta waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii Kaalmaha Hore ka  gashay dhibcaha waxbarashada

 

 Wariye Maxamed Jiciir Aw-Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso