Bal Amuurtan Eega, Markan Iyo Yaabkan: Hotel Women’s Jirde Club

BAL AMUURTAN EEGA: HOTEL WOMENS JIRDE  CLUB:

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)
 
Maalin dhawayd oo ay xidhnayd Wadadda Hawl-bawlaha Hargeysa, ayaan hawd uga leexday Baar Hargeysa, si aan uga dhex dhaco dooxa ilaa Masalaha. Markiiba indhahaygu waxay ku dhaceen  HOTEL JIRDE, mise waaba halkii aan ku aqaanay Hargeisa Women’s Club  (YAA, NABADGELYADDA ILAALIYAA!).
Markii iigu dambaysay, dhismahaasi wuxuu ahaan jiray, dugsi xirfadeed ay dawladdu leedahay oo haweenka lagu baro farsamada, dawaarka, cunto karinta iwm (MAXAAD TIDHI: WAA GUULIHII HALGANKII MUJAAHIDIINTA’AA!). Waayaddii uu marxuum Maxamed Siyaad Barre talinayayna (HADALKA KOR U QAADOO,  FAQASH BAAD TAHAYAA!)   dhismaha Women’s Club waxaa ardayda gelinka dambe lagu bari jiray xirfaddo noloshooda lagama maarmaan u ah (Life skills). Anigayga iyo arday aan ku jiro  ayaa nalagu bari jiray sawir-gacmeedka (Arts) iyo filim qaadista; xaggaagii 1977, oo aan fasalka 3aad ee Dugsiga Hoose dhameeyay. Macalinkii farshaxanka iigu dhigi jirey, Axmed Dirir, oo waaggaa ka soo qaxay magaalada Dirirdhaba, wuxuu hadda wasiir ka yahay Dawladda Federalka Itoobiya (IIGU CELI!, ITOOBIYA SAAXIIB BAANU NAHAYAA!).

 Anigoo murugaysan ayaan waxoogaa is-hor-taagay HOTEL WOMEN’s JIRDE  CLUB, markaasaan hoos isu waraystay, oo aan is- idhi, war heedhe- ma adigaa waalan? Ma dadkaan damiir lahayn,? Mise Cadan baaba laga heesayoo, WAA ISKA CAADI!. Dabadeedna, waxaa igu soo dhacay, gabayo hore loo tiriyay oo ilaa maanta dareenkoodii taagan yahay, oo kala ah:

 Axmed Ismaaciil Diiriye  (Qaasin),  wuxuu tiriyay waxyar ka hor, doorashaddii 1964

·         Denbi kuma hadlaayee, ma arag dawladdaan rabaye

·         Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye,

·         Dusha midabka Soomaali baad, dugulka moodaaye

·         Misna laguma diirsade qalbigu, waa dirkii Karale (Badhasaabkii Ingiriiska)

·         Meeshaan dad aan urursho iyo dirir ka eegaayay

·         Iyaba waa darxumo ii hadhaye, dacar miyaan leefay

·         Ummaddii daryeel ma helin, daacadda ahayd

·         Siddii baa Ducaaloow, biyaha loo daweriyaaye

·         Siddii bay dushaa ugu sitaan, dumar caruurtiiye

·         Siddiibaa duddada aar dhiciyo, dacaw u joogaaye (Mid afka kaaga booda)

 

Cumar Maxamed Warsame (Xiin-waal), wuxuu tiriyay waxyar ka hor, doorashaddii 1968

·         Siddii bay qabiiladdu, carradan qiimo leedahaye

·         Siddii buu nin qalab (COD) doonayaa, noo qarribayaaye (Qoloqolo noo kala saarayaa),

·         Siddiibuu u qaataa shacbigu, caddihii quudheede (Waxoogaa lacag ah ama jago)

·         Qaw baan dul naalaa, qabarna hoos yaale

·         Qawl dibad ka yimaa, siddii loo qadariyaaye (BEESHA CAALAMKA, UN, FFF).

Advertisement

Ku Xayeysiiso