Gudaha Ka Eeg :Ciyaartoyda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Ku Guuleystay Koobka Tartan Ciyaareed ay ka Qaybgaleen Deegaamada kala Duwan ee Ethiopia Oo Mudo ka Socday Jig-jiga + Sawiro

Waxaa maanta Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Ehiopia lagu soo Gaba-gabeeyey Tartan Ciyaareed Mudo ka socday Magaalada Jigjiga,Tartanka ayaa Mudadii uu socday waxaa ku Tartamayay  Dhalinyarada ka yar 15-ka Sano ee ku dhaqan Deegaamada kala duwan ee Ethiopia,Tartan Ciyaareedkan ayaa waxaa Hirgalisay Shirkada Cocacola.

 

Hanashada Koobkii Tartanka ayaa waxaa ku Guuleystay Kooxdii ku Ciyaareysay Magaca Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya,waxaana lagu Maamuusay Shahaado Sharaf iyo Abaalmarino kale  oo ay Mutaysteen Ciyaartowdii u Ciyaareysay DDSI.

Madashii Abaalmarinta lagu Gudoonsiinayey Ciyaartoyda Dhalinyarada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Ayaa waxaa ka Qaybgaley Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada DDSI Cabdi Wali Maxamed Dalmar iyo Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore iyo Xubno Kala duwan  oo  ka mida Masuuliyiinta DDSI.

 

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga ee DDSI.Marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay Weheliyaan Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Shaqaalaha DDSI.Axmed Maxamed Koore iyo Xubno kale ayaa ka Qaybgaley Xaflad loo qabtey 467 Arday oo  ka Qalinjabiyay Jaamacada Jig-jiga University

Geesta kale Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga ee DDSI.Marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay Weheliyaan Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Shaqaalaha DDSI.Axmed Maxamed Koore iyo Badibada Wasiirada Kala Duwan ee DDSI.Masuuliyiin kale ayaa maanta ka qayb galey Munaasibad Balaadhan oo Shahaadooyin lagu Gudoonsiinayey 467 Arday oo  ka Qalinjabiyay Jaamacada Jig-jiga University.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso