Al-Shabaab oo Saaka Weerar isugu Jira Gaadhi Qarxa iyo Dagaal Toos ah ku eekeysiisay Buulo Gudood oo Duleedka Kismaayo ah

Al-Shabaab ayaa saaka Salaadii Subax weerar culus ku eekesay xero milateri oo ciidamada Jubaland ku leeyihiin degaanka Buulo Gudood oo 30km woqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda hoose.

Gaadhi walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa Markii hore weerarka loo adeegsaday ka dibna weerar ayaa lagu eekeysiiyay  saldhiga sida loo xaqiijiyey Warbaahinta.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa xaqiijiyay in dagaallo culus ay ka socdaan Buula Guduud oo bilihii lasoo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo Melleteri ka wadeen ciidamo Mareykan, Kenyaan iyo Soomaali ah.

Geesta Kale Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay la wareegeen Saldhiga, Hub badan iyo Saanad Milaarina Qabsadeen , Dhinaca kale Maamulka Jubland ayaan isagu wali ka hadlin weerarka.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso