Waqooyiga Kuuriya: Dhulgariir ka Dhacay Waa Natiijada Tijaabo Gantaal xambaarsan Hubka Wax Gumaada ee Loo Yaqaan nukliyeer-ka

Hogaamiyaha Kuuriya oo ku Faanay in uu Sameeyey Hubka Wax Gumaada ee Haydroojin Bam-ka 

 

 

Khabiirada  dhul gariirada ayaa sheegay  in laga yaabo inuu sabab u tahay dhul gariir ka dhacay Korea  nuclear Lixaad oo Pyongyang  tijaabsay.

Khabiir dhinaca Dhul gariirka ah una dhashay Maraykan  ayaa sheegay in dhulgariirkii 5.6 magnitude uu ku dhacay  Qoto dherer 10 Killo mitir ah,Kuuriyada Koonfureed ayaa ku baaqday kulan degdeg ah oo yeeshaan  Golaha Amniga Qaranka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sameeyay shan tijaabo oo nukliyeer ah, oo  kii ugu dambeeyey ee ugu awoodda badan ahaa bishii September ee kal hore, Sheegashada Waqooyiga Kuuriya lama xaqiijin karo waxa qudha ee la hayaa waa sawiro kali ah.

Khabiir dhinaca difaaca ah Melissa Hanham ee Machadka Middlebury ee Daraasaadka Caalamiga California
Dhulgariirka ayaa waxaa ku dhawaaqay in North Korea ay ku dhawaaqday in ay samaysay hub cusub oo nukliyeer ah oo lagu rakibi karo gantaal nooca loo yaqaan Balaastika,waxaanu intaa ku daray in sheegashada Waqooyiga Kuuriya aan la xaqiijin karin .

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa daabacday sawirro ku saabsan hogaamiyaha Kim Jong Un, isaga oo kormeeray qalab uu ku sheegay bam.

Khubarada caalamiga ah ayaa sheegaya in North Korea ay horumar ka samaysay barnaamijkeeda nukliyarka, iyada oo aan xaqiijin in ay soo saartay hub yar oo nuucaan ah oo lagu qaadi karo gantaal Nooca balastikada loo yaqaan.

Madaxa Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa booqday Machadka Hubka Nukliyeerka
“Machadka ayaa dhawaan ku guuleystay in uu sameeyo hub halis ah,” Kim ayaa sidaas yidhi. “Kim Kung-un ayaa arkay bamka kiimikada ah ee lagu dul xidhayay madaxa gantaalaha casriga ah.”

Hay’addu waxay daabacday sawirrada hogaamiyiha Waqooyiga Kuuriya oo baadhaya hubka, taas oo ay ku sharraxday “hubka nukliyeerka mid awood badan leh waxyaabo badana burburin kara.”

Waqooyiga Kuuriya waxay samaysay tijaabooyin taxane ah bilihii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan hub gaadhaya dhulalka Maraykanka.

Toddobaadkii la soo dhaafay gantaal ayaa lagu soo riday Japan Taas oo Ra`isal wasaaraha Japan Shinzo Abe ku tilmaamay “halis aan horay loo arag” halisna ku yahay dalkiisa.

Khubarada ayaa ka walaacsan sheegashada Waqooyiga Kuuriya ee ku saabsan Haydaroojin bam-ka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso