Ujeedada Safar Uu Wasiir Ka Socda Jabbuuti Ku Imanayo  Somaliland Iyo Xukuumadda Oo Ka War-bixisay Qaban-qaabada Soo-dhawayntiisa

 

“Soomaaliya waxaannu ka rabnaa inay tidhaahdo ‘Somaliland waa dal xora madaxbannaan’  marka ereygaas laga helo ayaa xidhiidhku furmi doonaa”….. “Waxaa   noo qorsheysay inaanu  soo saarno Orod-yahanno magacoodu meelmaro” – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Ee JSL

 

Hargeysa (ToggaHerer)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Cabdirisaaq Waabari Rooble, ayaa sheegay inay Somaliland ku martiqaadeen wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Ciyaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti isla markaana labada waddan wadajir u samaysan doonaan guddiyo ka shaqeeya horumarinta noocyada ciyaaraha kala duwan.

Wasiirka oo shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay, waxa kaloo uu ka hadlay hindiseyaal ay doonayaan inay cilaaqaad kula yeeshaan waddamada iyo xidhiidhada bariga afrika, waxaannu shuruud ku xidhay iskaashi dhexmara xidhiidhada ciyaaraha Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxaa dhawaan noo qorsheysay oo aanu rajeynaynaa inuu qabanno tartan ciyaaraha fudud, kuwaasi oo aanu doonayno inaanu soo saaro Orod-yahanno magacoodu meelmaro, xidhiidhka waddamada bariga Afrika aannu la leenahayna meel wanaagsan ayuu marayaa. waxaannu booqanay dalka Jabuuti waxaanan la kulanay  madaxda ugu sarsareysa waanu wada hadalay, waxaannu casuumad u fidinay oo Somaliland  noogu iman doona Wasiirka Ciyaaraha ee Jabuuti oo booqasho rasmi ah ku imanaya dalka.,”ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu.

Waxa kaloo uu sharraxay qorsheyaal doonayaan inay ku horumariyaan ciyaaraha, waxaannu yidhi; “Waxaannu soo saari doona guddi labada dal ka kooban  oo hawlaha ciyaaraha ka wada shaqeeya si ay u sii xoogeysato wada shaqeynta labada dal ka dhaxeysaa, sidoo kale waxaannu rajeynayna in aanu xidhiidh noocan oo kale ah aanu la samayno dalka Itoobiya, dhallinyaradana guulba uga soo hoyan doonta dedaaladan. Waxa kaloo  noo qorsheysan inaanu iskaashanno dalalka  bariga Afrika haddii dhallinyaradu xataa magaca waddankeenna ay ku ordi waayaan in magac dal kale ay ku ordaan si ay caan u noqdaan sida Moha Farah oo u orda waddanka Ingiriiska laakiin Somalilander  ah,  waana fikirka aanu doonayno in aanu ciyaaraha ku horumarino.”

Wasiirku waxa uu sheegay inaanay xidhiidhada ciyaaraha ee Soomaaliya aanay yeelaynin wax iskaashi ah inta ay qirayaan madax-bannaanida Somaliland, waxaannu yidhi;  “Soomaaliya wax xidhiidha oo aanu la leenahay ma jiro, waayo meel aanu kala xidhiidhnaba ma garaneyno Soomaaliya waxaannu ka rabnaa inay tidhaahdo Somaliland waa dal xora madaxbannaan marka eraygan  laga helo ayaa xidhiidhku furmi doonaa.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso