Komishanka Maamul-Wanaaga Oo Durba Fuliyey Wareegtadii Saylici, Kana Warramay 10 Wasaaraddood Oo ay Baadheen

 

 

Akhri Macluumaadka baadhitaanno komishanka Maamul-wanaaggu   fuliyay  iyo Guddoomiyaha hay’addaas oo farta ku fiiqay musuqa ugu xun ee qaranku ka kici l’yahay

 

Hargeysa (ToggaHerer)- Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo  la dagaalanka Musuq-maasuqa Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Jaamac Maxamuud, ayaa ka warbixiyay hawlgalo ay dalka ka bilaabeen oo   lagu illaalinayo hantida qaranka xilliga lagu gudo jiro kala guurka.

 

Waxa kaloo uu  caddeeyay inay  baadhitaanno  ku sameeyeen toban ka mid ah wasaaradaha  dalka isla markaana ay wadaan inta u hadhay dhammaan laamaha dawladdana ay wada baadhi doonaan soona diiwaan gelinayaan guud ahaan hantida qaranka ee ma guurtada ah iyo ta guurtada ahba, si loo illaaliyo hantida qaranka oo aanay u dhicin in  wax la lunsado.

Guddoomiye Axmed Jaamac waxa  uu ka dayriyay  in musuqa hantida ay ka xun tahay  saacadaha shaqada qaranka oo  dayacan ama aan sidooda loo fulin taasoo uu dooday  in ay tahay halka dhibaatadu ka jirto.

“Horta anigu muddo kooban  oo saddex bilood ah ayaan xafiiska joogay markii aan a wareegay xafiisku qorshe cad oo shaqo oo uu ku hawlgalo muu lahayn, waxyaabaha ugu badan ee uu hore u soo qabtayna waxay ahaayeen kormeerro  ay dalka ku soo samayn jireen laamaha dawladda ee kala duwan,laakiin wax cad oo shaqaaluhu uu ku hawlgalo iyo nidaam ay raacaan muu jirin,”ayuu yidhi guddoomiyahu.

Guddoomiyuhu waxa uu faahfaahiyey talaabooyinkii uu qaaday, waxaannu yidhi; “Markaa taalaabadii ugu horraysay ee aan ku dhaqaaqay, waxay ahayd in uu jiro nidaam shaqo oo ah mid ka turjumaya baahidii komishanka loo aasaasay oo ah maamul-wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, qorshahaasi markii uu noo dhammaadayna  waxaan uga gudubnay in aanu shaqadii aanu qaranka u haynay in aanu bilawno oo halkii markii hore komishanku uu kormeer uun ku tegi jiray laamaha dawladda in aanu baadhitaanno toos ah ka samayno.

 

Waxaan imika soo dhammaynay  baadhitaannada toban  wasaaradood oo aanu shaqo badan ka soo qabanay waxyaabihii aanu ka soo qabanay iyo xaaladaha ka jirana warbixinteeda waxaannu u gudbin doona madaxweynaha. waxa kaloo  aanu wadnaa in aanu bacda ciidda gudagalno oo aanu dhammaan gobollada dalka oo dhan laamaha dawladda baadhitaanu ku soo samayno kuwa dawladda dhexe iyo kuwa dawladaha hooseba.” Ayuu guddoomiyuhu kusoo gunaanaday xog-warrankiisa ooay baahisay jariirrada afkadawladda ku hadasha ee DAWAN

 

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in  wasaaradaha ay soo baadheen  in ay ku soo arkeen musuq iyo inkale waxa uu yidhi; “Horta dadkeennu Musuqmaasuqa waxay u yaqaanaan hanti la xado iyo lacag la lunsado, laakiin waxa jira wax ka qaalisan oo haddii la musuqmaasuqo aan laga soo  kaban karin dalkana hoos-u-dhac laxaad  leh  ku keenaya taasoo ah wakhtiga shaqada oo la xado ama aan siday tahay loogu adeegin dadka, waana musuqmaasuqa ugu weyn ee aan odhan karo wuu jiraa.waxaynu  u baahan yahay in wax laga qabto shaqadu xilli ayay leedahay oo qofku qaranka u shaqeeyaa. haddii xafiiskiiba cidla noqdo oo dadkii cid u adeegta ay waayaan maxaa inoo soconaya?, markaa ka aanu doonayno in aanu la dagaalanaa waa musuqmaasuqa wakhiga shaqada.”

 

“Waxaad arkaysaa wasaarado dhan oo xafiisyadeediiba madaxdii dadka u shaqayn lahayd aanay joogin. waxaad arkaysaa dawladihii hoose oo dadkii ay faylal la taagan yihiin oo cid u shaqaysaba ay waayeen dadkiinna cashuur ayaa laga doonayaa. markaa arrintaas ayaanu xoojinaynaa in wax laga qabto.

Waxa kaloo loo baahan yahay in tababarro xirfadeed oo badan oo hawlwadeennada dawladda dhinaca xirfada laga dhisayo,”ayuu yidhi Axmed Jaamac, waxaannu intaas ku daray; “Waxa kaloo aanu wadnaa in aanu dalka oo dhan ka wada hawlgallo  oo aanu dhammaan hantida qaranka diiwaangelino isla markaana ka hortagno in ay dhacdo wax lunsi ah xilliga kala guurka waxyaabaha aanu diiwaan gelinaynaana waa dhammaan hantida qaranka ee ma guurtda ah iyo ta guurtada ahba. waxaan soo saari doonnaa  dhammaadka bisha September qoraallo rasmi ah oo aanu ku diiwaan gelinay hantida qaranka ee ma guurtada ah iyo ta guurtada ahba oo ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu yar yare e xataa xafiisyada yaalla si xilliga kala guurka aanay u dhicin in wax la lunsan karo waxaanan awoood badan saaraynaa in dhammaan gaadiidka dawladduna uu noqdo mid wada leh summadda gaadiidka qaranka ee GT oo aanay jiri karin in lambar shicib baabuur dawladeed la iskaga wato.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso